Guddoomiyihii ganacsatada suuqa Bakaaraha Axmed Nuurre Ow Diin oo la dilay
November 26, 2012 - Written byMuqdisho:-Allaha u naxariistee waxaa saaka koox ku hubeysan Bistoolado oo dhalin yaro ah ay dileen guddoomiyihii ganacsatada suuqa weyn ee Bakaaraha Axmed Nuurre Ow Diin iyagoo ku dilay gudaha Suuqa bakaaraha. Gudoomiyaha ganacsatada suuqa Bakaaraha Axmed Nuurre Ow Diin ayaa waxaa la dilay xili uu ka soo baxay xafiiskiisa waxaan la socday mid ka mid ah ilaaladiisa oo isagan dhintay , Kooxda falka dilka ah geystay ayaa goobta ka baxsaday.
Ciidamo ka tirsan DFS iyo AMISOM ayaa soo gaaray goobta dilku ka dhacay waxaana ay sameeyeen howl galo ay ku raadinayaa kooxda falka dilka ah fulisay balse ilaa hadda lama sheegin cid ay u qabteen dilkaas foosha xun ee lagula kacay allaha u naxariistee guddoomiyihii ganacsatada suuqa Bakaaraha Axmed Nuurre Ow Diin.
A/cawaale
Halgan.net