Madaxweynaha JFS Xasan Sh Maxmuud Oo U Ambabaxay Dalka Jabuuti
November 26, 2012 - Written byMuqdisho:-Madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxmuud ayaa saaka isaga iyo wafdi uu horkacayo waxay u dhoofeen dalka Jabuuti waxaana garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle ku sii sagootiyey Guddoomiyaha Barlamaanka, DFS Pro.Jawaari Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Fedraalka,Saacid ,Wasiirka Maaliyadda iyo Qorsheynta, saraakiil ka tirsan DFS .
Madaxweynaha ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Villa Soomaaliya iyo wasiirka G/dhiga ee DFS C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi
Ilo wareed lagu kalsoon yahay oo ku dhow Madaxtooyada ayaa sheegay in safarka madaxweynaha DFS uu salka ku hayo sidii loo sii wadi lahaa wadahadala DFS iyo Somaliland waxaana arinkaas waday dowlada Jabuuti iyada oo casumaad u dirtay labada dhinac .
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxmuud ayaa waxaa kale oo uu socdaal ku tagi doonaa dalka Itoobiya iyo Kenya isaga oo kala hadli doona xaalada amniga ee Soomaaliya iyo sidii dowladiisa ay taageero uga heli lahayed labada dowladood.
Dhanka Wasiirada arimaha dibada ee DFS Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa saaka u dhooftay dalka Kenya waxayna saxaafada u sheegtay in socdaalkeeda uu yahay mid rasmi ah ayna kulamo kala duwan la qaadan doonto madaxda dalka Kenya.
A/Cawale
Halgan.net