Degmada Waaciye oo Markii ugu horaysay laga hirgaliyay war biyo lagu keydiyo
November 28, 2012 - Written byQardho:-Degmada Waaciye ee gobolka Karkaar ayaa markii ugu horaysay waxaa laga hirgaliyay Balli biyood aad u wayn kaasi oo keydin doona biyaha xiliga Jilaalka waxaana wartaas xariga ka jaray Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdraxman Sh Maxamed Faroole waxaana Balli biyoodka ka faaideysan doona Dadweynaha ku dhaqan degmada Waaciye ee gobalka Karkaar.
Balli biyoodkan uu maanta xariga ka jaray Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa maalgaliyey Midowga Yurub iyaga oo u wakiishay fulinta Mashruucaas hay’adda UNICEF.
no images were found
Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa socdaalkii uu ku tagay Degmada Waaciye waxaa socdaalkiisa ku weheliyey Wasiir ku xigeenka waxbarashada Jaamac Yaasiin Jaamac .Duqa Degwada Waaciye Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ,Wasiirka Dekeddaha Eng.Siciid Maxamed Raage ,wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Cali Yuusuf Cali Xoosh Saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska iyo Daraawiishta Puntland.Sarkaal ka tirsan Hay’adaha UNICEF iyo Terrasolidarity ayaa waxaa ay balan qaadeen in Mashruuca laga hirgaliyey Degmada Waaciye mid la mid ah ay ka fulin doonaan deegaanada Dhuudo, Durduro , Benderbayla Addisoone iyo deegaano kale.
M_M Deeq
Halgan.net
Halgan.net