Sheeko iyo shaahid ma maqasheen mase aragteen ?

November 30, 2012 - Written by

Tan xilligii ay soo if-baxday wada-hadaladii bur-buray ee dhexmaray Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya (JWXO) iyo dawladda dhexe ee Itoobiya waxaa loo kala miirmay fud iyo faar. Dadka qaarkii waxay u arkeen fursad lagu soo afjari karo colaadda ragaadisay geyiga soomaali-galbeed (ogaadeenya) taas oo aanan hanbeyn caydhiin iyo biseyl toona. Halka dhinaca kale ay jireen dad rubadda loo dhaafay seexan-waana uu ku dhacay. Dadkani waxay u arkayeen in biyo ugu soo geli doonaan godkooda, ummadduna kol qudha yur iyo akhrud dhihi doonto.

Madashii wada-hadalku kolkii ay ka dhacday daba-salaax, laguna kala tagay labadii nooc ee dadku u qaybsanaa midba waxuu ku dhaqaaqay wixii kale ee lagud boonaa. Ummaddii quud-dareynaysay in meesha wax is-afgarad ahi kasoo baxo waxay dib u liqeen hamuuntoodii, hingashii ay wadeenna si dhab ah ayay usii hagoogtay. Talo ayaa ku ciirtay waxaana u sawir may colaad, kadeed iyo kala-yaac hor leh. Waxay dadkaasi weli kujiraan af kala-qaad iyo suuxdin ay kaqaadeen is-mariwaagii wada-hadalada. Qoladan waxay ahaayeen badanaa dadweynaha qaybihiisa kala duwan ee dharaar iyo habeynba dhibka colaaddaasi ti toos ah u taabto. Dadkani waxay ku kala daadsanyihiin daafaha aduunka iyo dalka gudahiisaba. Waa dadka ladaranyeysan dulmiga joogtada ah ee uga imaanaya maamulka dhulka kumagacaaban iyo ”JWXO”.

Qoladii labaad ee qandho-duumeedka kaqaaday wada-hadalada waxay iyagu boodeen dhaanto guuxa. Waxaa kasoo baaday neef, waxayna arkeen cimri dherersi iyo cadceed usoo baxday. Noocan waxaa ugu horeeya maamulka gobolka ka arrimiya iyo qawleysatada taliska ciidamada Tigreega ee gobolka jooga. Waa arrin qof walba oo lasocda sooyaalka ummadda dhulkaa ku dhaqan garankaro in noocan sare kuxusani dan iyo muraad midkoodna ugu jirin colaadda dhulkaas oo si caddaalad ah loosoo afmeero.

Yeysan ila durkin arartuye, qormadan yoolkeeda ayaa ah inaan kusoo bandhigo arrin sheeko iyo shaahid ugub ku ah degaanka soomaali-galbeed. Arrinkaas ayaa dhacay todobaad dhaw, kadib kolkii maamulka gobolku isugu yeedhay dadweyne aad u badan, kuwaas oo laga lahaa hadaf iyo ujeeddo gooni ah.

Ujeeddooyinka la tilmaamikaro ee kulankaas laga lahaa ayaa u muuqda inay ahaayeen in maamulka gobolku ummadda kumeeqaan-dilo, una tuso inuu weli gowso-dhacsan. Waxuu ahaa kulan baga iyo bayuura lagu lahaa dadkan shaamareerku dilooday, waxuuna ahaa kulan si dadban ay shafka ku garaacanayeen militeriga tigreega ee gobolka haysta.

Dadka halkaas isugu yimid waxaa kujiray culumo, indheer-garad, oday-dhaqameed iyo qaybaha kala-duwan ee bulshada. Waxaa hadalka inta badan qaadanayey dad gaar ah oo si ula-kac ah loogu soo laqimay waxay meesha ka odhanlahaayeen. Dadkaasi waxaa mindhaa laga yaabaa inaysan xitaa dhagahoodu maqleynin waxay ku jibaadayeen.

Waxaa ka dhacday fool-xumo oday-kasheekee ah. Waxaa meel lagaga dhacay magacii, dhaqankii iyo diintii ummaddasi intaas soo haysatay. Waxaa lagu tiraabay af-xumo iyo wax laga jidhiidhacoodo oo iska daa qof qummane xitaa qof waalani uusan afkiisa u quudhin. Xoolo (dameer iwm) ayaan fuulnay, gabdho iyo gayaan rageed ayaan u galmoonay iyo habka abaydinka raarta u yaallay ayaan xadnay. Inahaas ayaa ugu yaraa wixii meesha lagaga yoomay.

Dambiyadaas dadka isku qirayaa waxay meesha kasaareen in maanta haddii maamul caddaalad ahi gacanta kudhigilahaa xawda laga goyn lahaa. Dadkaas xumaha noocaas ah ku dhaqaaqayey waxa marag muuqda iyo ku umashxaradaba ku ahaa culumadii madasha joogtay, odayadii iyo guud ahaan ummaddii soo buux-dhaafisay kulanka. Dhammaantood waxay gateen diintoodii, dadkoodii iyo dalkoodiiba. Waxay qaawiyeen oo ay gayaan-tireen gabadha gayigaas kudhaqan, waxayna taariikhda kagaleen gal madoow iyo guri-ba’ay.

Tan iyo waagii ummaddan lahoos geeyey gumeysiga amxaarada in ummadda lagumaado lana gabagabeeyo way soo martay weyna kujirtaa tan iyo maanta, laakiin sheeko iyo shaahid laguma hayo maanta waxa dhacay. Si gaar ah waxaa wax laga xumaado ah in culumo goob-joog ka ahaato goobtaas. Culumadaas (waa haddii loogu yeedhi karo magacaase) waxaan leeyahay magacood ba’ xaggee iyo biyahee idin maydhi, af aad diin kusheegtaanse ma idinku yaallaa maanta. Meeye tusaalayaashii wanaagsanaa ee saxaabada (RC), meeye milgihii laga dhaxlay jiilkii ummaddan usoo halgamay, oo war go’ooyin oo gablamooyin aaway garashadii wacnayd.

Odayada cimriga ah ee madasha joogay iyaga waxaan odhanlahaa tan iyo intaan garaadsaday waxaa lagu duceysanjiray ”Ilaahayoow khaatumo wanaagsan cimriga noogu khatin”. Waa duco wanaagsan oo ka ambaqaadaysa xadiiskii Nebigeena (SCW). sidaa daraadeed khaatumo-xumo ayaa idinku dhacday ee Ilaahay degdeg ugu noqda, anagu idin dayrinaye.

Maamulka gobolka isaga hal odhaah ayaa igaga filan. Nin ayaa saaxiibkii kuyidhi ”hebeloow ninkii hebel ahaa maxaad ku ogeyd. Kolkaas ayuu ugu jawaabay Indho-la’aan. Kii kale ayaa hadana yidhi ”dad-cunnimo ayuu ku darsaday”. Haddii shalay kadeed iyo dibin-daabyo aad ku hayseen ummadda maanta inaad intii ugu dambeysay ee magaceeda iyo milgaheeda ahaa is-raacisaan waa guul-daro.

Ummadda Soomaaliyeed ee kale waxaan u cadeynayaa in wixii meeshaa kadhacay yahay waxay fuliyeen caadaqaate iyo coomadi u adeega. Waa waxaan sheeko iyo shaadid soo marin dhulkan, Waana waxaa kasoo fulin ummadda.Waxaan suuroobeynin in ummadda gobolkaas katimaadda halbeeg looga dhigikarin laguna lammaaneynkarin waxay duuf-laaladaasi ku dhaqaaqeen. Waxaa dhulkaas astaan u ahaa, una ah weli, una ahaan doonta insha Allaah diin wanaag, dadnimo, soomaalinimo iyo milge qoddo-dheer. Haddii aan xuuraamay ummadda dal iyo dibed ku dhaqan ee kasoo jeedaa dhulka soomaali-galbeed waxay si isla’eg u cabireen siday u inkireen una diideen waxa halkaas kadhacay. Qaarkood waxay hagoogteen hagoog-ceebeed, waxayna kahaajireen goobaha ummaddu kubalweyso. Waxaa naga soo hadhay Ilaahoow beri baan kanahay waxay kuwaasi kudhaqaaqeen.

Gunaanadkii inta meesha fadhiday guud ahaantood gaar ahaa kuwa culumada isku sheegay waxaan leeyahay ”Waa la doogiye yaan ladacaroon”

WT

28.11.2012

awcabdimuxumed@yahoo.co.uk

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online