Nadwadii ka socotay masaajidka Al-Madiina ee Burco oo la soo gabagabeeyey.[Masawiro]

September 3, 2013 - Written by Editor

khitaam (8)Burco: Waxa ka socoday habeenadii la soo dhaafay masaaajidka Al-Madiina ee magaalada Burco Nadwo cilmiyeed diini ah Nadwadan oo ay soo qabanqaabisay Mu,asasada Al-Karam ee dacwada iyo horumarka xafiiskeeda Burco ayaa waxay soo bilaabantay jimce 22-shawaal- 1434 hijriga waafaqsana 30-8- 2013 iyada oo soo gabagaboowday xalay oo ahayd Talaado 27-10-1434 3-9-2013 .

Gabagabadii nadwada ayaa waxaa ka hadalay culimo ay ka mid yhiin :

1-Sheekh Yuusuf Maxamed Diiriye
2-Sheekh Yuusuf Cabdi Cawad
3-Sheekh Mustafe Aden Maxamed
4-Sheekh Maxamed Shukri Xasan

Culimadan oo dhamaantood ka mid ahaa culimadii ka qaybgashay nadwadan soo socotay mudada 5 maalmood ah ayaa gabagabadii waxa ay soo jeediyeen:

no images were found

Dardaarano ku wajahan dhamaan qaybaha bulshada ee ka soo qaybgashay nadwada

– Waxanay u soo jeediyeen in ay illaahay ka cabsadaan waqti kasta iyo meel kasta oo ay joogaan
– In ay ku dadaalaan ikhlaaska iyo acmaasha in loo gaaryeelo rabbi subxaanahuu watacaalaa oo aan ujeedo kale laga yeelan
– Ku dadaalka cilmiga shareecada iyo in loo fahmo sidii ay u fahmeeen salafkii umadu
– Ku xidhnaanta culimada iyo in la ixtiraamo lagana fogaado dhaleecaynta culimada

Culimada ayaa ka jawaabay su,aalo dini ah oo la waydiiyey ,su,aalaha ayaa waxa ay iskugu jireen kuwo fiqi ah iyo kuwo ku saaban mawaadiicdii ka baxay nadwada.

Baaq: culimada ayaa ku soo afjaray hadalkoodii baaq ay u soo jeediyeen qolyaha ku mashquulay wax ka sheega iyo tajriixinta culimada in ay u soo diyaar garoobaan in laga dodo masaa,ilka ay ku cambaaareeyaan culimada gaar ahaan jamaacada Al-ictisaam bilkitaabi wa sunnah fagaarahana la iskugu yimaado. Sh.Yuusuf Cabdi Cawad oo baaqa akhriyey ayaa tilmaamay xaggood in ay u diyaar u yihiin in dadka hortooda la keeno masaa,ilka la isku hayo loogana doodo si walaaltinimo ah.

Sheekha ayaa sidookale ugu baaqay dhamaan culimada soomaaliyeed iyo dhamaan culimada islaamka iyo bulshoweynta qaybeheeda kala duwan in ay arinkaas marag ka noqdaan.

Nadwadan oo ciwaankeedu ahaa :
قل هذه سبيلي أدعوا إلى الله على بصيرة ………..)) ))ayaa intii ay socotay waxa lagu qaatay mawaadiic kala duwan oo ay kamid yihiin:

-تبرأة الجماعة عما نسب إليها من الشناعة
– الإضاءت في حكم مشاركة الإنتخابات
– تنبيه البرية على حقيقةأدعيا ء السلفية

– تتمة الندوة مع أسئلة وأجوبة

Nadwadan ayaa waxa ka faa,iidaystay dadwayne aad u tiro badan oo u badan dalabatu cilmi,iyo qaybaha kale ee bulshada oo aad u soo buxdhaafiyey masaajidka Al-madiina oo ka mid ah masaajida ugu baaxada wayn magaalada Burco ee xarunta gobolka togdheer.

Mu,asasada Al-Karam ee dacwada iyo horumarka
Burco,Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online