Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibada dalka Itoobiya

September 3, 2013 - Written by Editor

1Addis:-Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Puntlland Dr Cabdiraxmaan Faroole ayaa gaaray magaalada Itoobiya waxaan soo dhaweeyey oo casho sharaf ugu sameeyey  Hotel Sheraton Wasiirka Arrimaha Dibada Itoobiya Tedros Adhanom. Wafdiga Madaxweynaha Puntlland ay mudo dhowr cisho ah waxaa ay safar shaqo ku joogeen dalka Kenya waxaan ay kulamo gooni gooni la qaateen Hay’addaha qaramada Midoobay, Safiiro iyo xubno ka tirsan EU oo iyagu daneeya arrimaha Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibada Itoobiya Tedros Adhanom iyo Madaxweynaha Puntlland ayaa waxaa ay ka wada hadleen xiriirka u dhexeeya Puntland iyo dowladda Itoobiya iyo siddii la iskaga kaashana lahaa  xiriirka dhinac dhaqaalaha iyo amniga. Madax weynaha Dowlada Puntland ayaa  waxaa uu uga mahadceliyey dowladda Itoobiya  taageerida Bulshada Soomaaliyeed  iyo madaxdooda iyo weliba taageerida in dalka Soomaaliya uu yeesho dowladda rasmi ah oo soo celiya nabada iyo kala danbaynta  dowladdnimo.

Dhinac kale Wasiirka Arrimaha Dibada Itoobiya Tedros Adhanom ayaa uga mahad celiyey Puntland dowrkii ay ka qaadatay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka baxdo ku meel gaarnimada oo ay noqoto dowladd rasmi ah.

Waxaa kale oo ku amaanay madaxda Puntland nabadgelyada iyo amniga ka jira gobollada ay gacanta ku hayaan  isagoo ugu baaqay  madaxda Puntlland in ay taageeraan wax walba oo suuro gelin galinkara in Soomaaliya ay ka baxdo marxalada ay hadda ku jirto.

Madaxweyne Puntllnd Dr Cabdiraxmaa Faroole ayaa la filya in uu kulan la qaadan doono madaxda kale duwan ee Itoobiya oo uu ugu horeeyo Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn.

 M_M_Deeq
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online