Madaxweynaha Jabuuti Ismail Omar Gelle oo la kulmay Madaxweynaha Puntland.
September 10, 2013 - Written by EditorJabuuti:-Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismail Omar Gelle ayaa xaruntiisa Madaxtooyada waxaa uu kula kulmay madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole waxaana ay ka wada hadleen xaalada dalka Soomaaliya iyo xiriirka ganacsiga ee u dhexeeya Jabuuti iyo Puntland.
Kulanka Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha Puntland waxaa kulankooda ku weheliyey madax iyo wasiiro ka tirsan Puntland waxaana ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Jen. Cabdullahi Axmed Jamac Ilkajir, Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Cabdullahi Warsame, iyo Wasiirka Dekedaha Eng.Siciid Maxamad Raage.
Madaxweynaha Puntland C/raxmnaan Faroole ayaa socdaal ku soo maray wadamada Kenya Imaaraadka Carabta, Itoobiya isaga oo haatan ku sugan dalka Jabuuti. Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa shalay waxaa uu ka qeyb galay munaasabada laba Dekadood oo cusub lagu dhagax dhigay dalka Jabuuti
M_M Deeq
Halgan.net