Madaxweynaha Puntlland oo khudbad ka jeediyey shir ka bilaawday Dubia

September 10, 2013 - Written by Editor

farooleDubia:-Madaxweynaha Puntlland Dr Cabdiraxmaan Faroole ayaa waxaa uu ka qayb galay shirka dhacay magaalada Dubia loogana hadlayey arrimaha ku saabsan burcadbeedka , Shirkaan ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiiirka arrimaha dibad ee Imaaraadka Carabta iyo madax kale oo fara badan.  Shirka ayaa waxaa kale oo ka soo qayb galay xubno ka socday beesha caalamka , Safiiro iyo siyaasiyiin kale duwan , sidoo kale waxaa shirk aka soo qayb galay oo caawa ku soo biiray Madaxweynaha DFS Xassan Shiikh Maxamuud iyo madaxweynaha Gal-Mudug Cabdi Xassan Cawaale Qaybdiid.

Shirka ayaa wxaa caawa khudbada ka jeediyey Madaxweynaha Puntlland Dr Cabdiraxmaan Faroole waxaan uu ka hadlay sidda ay beesha caalamka gaar ahaa dowllada Imaaraadka Carabta ay Puntlland gacan uga siisay dhismaha ciidanka Badda ee Puntlland iyo sidda beesha caalamku ay dhinac uga noqdeen kooxaha burcadbadeedka ah ee falalkooda foosha xun bilaabay 2009.

Madaxweynaha Puntlland Dr.Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegay in ciidanka badda ee Puntlland [Puntland Maritime Police Force (PMPF ] ay guulo ka gaareen la dagaalka kooxaha burcadbadeedka ayna ugu danbaysay markii ay ciidanka badda ee Puntlland ay xoog ku soo furteen Markabkii MV ICeber-1 oo lagu haystay 22 qof. Ciidanka Badda ee Puntlland ayaa waxaa kale oo ay soo furteen MV QSM oo ahaa markabkii waday shamiitada oo ciidanku qabteen kuwii afuubka u geystay ka dibna lagu riday xukun xariga ah. Madaxweynaha dowladda Puntlland Dr.C/raxmaan Faroole ayaa khubadiisa waxaa kale oo uu ku sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka Puntlland ay dhawaan meel mariyeen sharci lagu ciqaabayo cid walba oo ka tirsan ama gacan siisa kooxaha burcadbadeedka ah.

Halkaan ka Akhriso Khudbada Madaxweynaha Puntlland uu ka akhriyey shirka caawa ka dhacay Dubia

M_M_Deeq
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online