Islaamnimada Soomaalida yaa diidan? W/Q Sh Axmed Cabdisamad

September 11, 2013 - Written by Editor

shaxmedSoomaalidu waa muslimiin 100%, dalka Soomaaliya-na kama jiraan diimo aan ahayn tan islaamka. Ninkii isagu gaalooba oo diinta islaamka ka riddoobana xaqiiqadaas waxba ka badali karo.Arrintaasna waxay ka mid tahay qodobada ugu muhiimsan ee ay isku hayaan culumada dalka Soomaaliya iyo Xarakada Al-shabaab. waxa keenay in culumada iyo dadweynuhuba qaylodhaan afka ku shubtaan waxaa weeye sheegashada Al-shabaab ee oranaysa: maamulada Soomaalida iyo inta ku hoosnool waa gaalo, qabiilo hebla waa gaalo, suufiyadu waa gaalo, jamaacooyinka islaamigu waa gaalo iwm, taas oo macneheedu yahay dalku waa dal gaalo, dadkiisuna waa wada gaalo. Waxaa sii caddaynaya toogashada, qarxinta, weerarka, qixinta iyo dhaca ay ku hayaan Soomaalida.

Ma dhici kadhaa in Xarakada Al-shabaab doonayso inay buriso xaqiiqadii Soomaali oo dhan isku raacsanayd oo ahayd Soomaali waa muslin 100%, taas oo xanuujinaysey kaniisado iyo dowlado farabadan?. Kolley ficil ahaan shacabka sidii gaalo way ula dhaq maan, cod ahaan iyo qoraal ahaana way ku sheegaan inay gaalo-yihiin laakiin hal mar gaalnimada ma wada huwiyaan ee qayba mar ayay gaalnimada ku xukumaan, axkaamta gaaladana ku fuliyaan. Waxaase hubsasho u baahan in qasadkoodu yahay in soomaaliya loo aqoonsado dal gaalo; si ummado gaalo ah xaq ugu yeeshaan.

Gaalada qaarkeed waxay isku dayaan inay muujiyaan in aysan Soomaalidu 100% muslimiin ahayn laakiin 98% ama 95% ayay ku sheegaan gaalada ay inagu ka kabinayaan halka Xarakada Al-shabaab ay si kala gaar gaar ah u wada gaalaysiiso Soomaalida oo dhan!

W/Q Sh Axmed Cabdisamad

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online