Madaxweynaha maamulka KMG ee Jubba Sh.Axmed Madoobe oo shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo.[Dhagayso]
September 12, 2013 - Written by EditorKismaayo:-Madaxweynaha maamulka KMG ee Jubba Sh.Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo goor dhow kula hadlay saxaafada magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu u sheegay in uu ka badbaaday qarax is miidaamin ah oo lala beegsaday isagoo sheegay in xaaladiisa caafimaad ay wanaagsan tahay wax dhibaato ahna aysan ka soo gaarin weerarka lala eegtay kolonyadii ciidanka ahaa ee la socday.
Madaxweynaha maamulka KMG ee Jubba Sh.Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-shabaab uu si socon doono ayna marka danbe iyagu guusha gaari doonaa isagoo sheegay in kooxda Al-shabaab ay saaka dhex dooda ay is laayeen oo iyagu ay is xasuuqeen. Qarax lala beegsaday madaxweynaha maamulka KMG Jubba Axmed Madoobe ayaa waxaa ku dhintay ilaa 15 qof halka dhaawucu uu gaarayo ilaa 18 qof.
Weerarka lagu qaaday Madaxweynaha maamulka KMG Jubba ayaa waxaa lagu soo beegay xili maanta ururka Al-shabaab ay dileen Abuu Mansuur Al-amriki , iyo Usaama Biridaani oo ahaa Saraakiishii Muhaajiriinta ee ka garab dagaalamaysay ururka Al-shabaab siiyeyna tababaro dhinac ciidanka ah.
Hoos ka Dhagayso shirka Jaraa’id ee Madaxweynaha maamulka KMG ee Jubba Sh.Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)
[audio:https://halgan.net/Mp3/shirkii jaraaid Madaxweyne maamulka KMG Jubba Axmed Madoobe.mp3] ama Halkaan ka dhagayso
Hoos ka Daawo Video shirka Jaraa’id ee Madaxweynaha maamulka KMG ee Jubba Sh.Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Source dhanaan.com
Cabdi Yare
Halgan.net