Puntland oo cambaaraysay weerarkii Isqarxinta ee lagu qaaday Madaxweynaha Jubbaland.[War-saxaafadeed]

September 12, 2013 - Written by Editor

plGaroowe:-Dowladda Puntland waxay si weyn u cambaaraynaysaa weerarkii isqarxinta ahaa oo lagu qaaday kolonyo gadiid ah oo galbinaysay Madaxweynaha Jubaland Shiikh Axmed Maxamad Islam (Axmed Madobe) isagoo jooga magaalada Kismaayo.Shacabka iyo Dowladda Puntland waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Maamulka iyo Shacabka Reer Jubaland iyo qoysaskii iyo ehelladii dadkii ku waxyeeloobay weerarkaas waxshinimada ahaa oo ay mas’uul ka tahay kooxda argagaxisada ah ee Al Shabaab, waxaana weerar kaasi ku dhintay kuna dhaawacmay askar iyo shacab intaba.

Madaxweynaha Jubaland wuu ka badbaaday weerarkaasi oo ahaa iskuday kale oo lagu waxyeelaynayo degenaan shaha iyo nabad gelyada Soomaaliya,iyadoo la bartilmaameedsanayo madaxda dalka.Himilada Puntland iyo shacabka Soomaaliya waa in laga gudbo caqabadaha hortaagan nabadgelyada dalka Soomaaliya in si loo gaaro nabad waarta,xasilooni iyo horumar.

— DHAMMAAD —

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online