Xaflad lagu furayey Machadka Abuu hurayra oo ka dhacday magaalada Bosaso[Masawiro]

September 14, 2013 - Written by Editor

DSC06854Boosaaso:-Xaflad lagu furayay Machadka Abuu hurayra ayaa waxaa ay ka dhacday magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari, Xafladaani ayaa waxaa ka soo qayb galay Culimo Aqoon yahano Aasaasayaasha Machadka Boorka Jaamacadda Bariga Afrika iyo qaar ka mida Aasaasayeesheeda Mu’asasaatka Tacliimiga ah iyo kuwo Dacwiga ah Masuuliyiin tooda qaar ka mida Ganacsato Odayaal Dumar Dhalinyaro iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa waxaa lagu qabtay Qaybta Gabdhaha ee Markazka Dacwada ee Al-Rowda Bosaso.

Xaflada ayaa waxaa kalmado Baraarujina ku furay Sh.Daahir Aw Cabdi Alle Shar oo dhan iyo dhagar qabayaashu waxay ma leegayaan haka dheereeyee waxaana uu ku xeel dhaaraaday Baraarujinta Dhalinyarada isagoo oo hadalkiisa intii badnayd kaga hadlay Cilmiga iyo Barashadiisa waxaana uu Shiikhu Sheegay in Alle waxa kaliya ee Nabiga uu ku yiri i waydiiso uu ahaa Cilmi Dadwaynaha ,Da’yar iyo Duqayna looga baahanyahay inay Cilmiga Bartaan.

Dhanka kale waxaa isaguna ka halday Xafladaani lagu furayay Machadka Abu Hurayra ee Dacwada , luqada Carabiga iyo Tarbi yada Sh.Axmed Faarax Garaase oo ka mid ah Mu’asisiinta Machadka waxaana uu ka waramay Baahiyihii keenay Machadkaan in furay waxaana uu sheegay baahi loo qabo iyo boos bulshadu ay ubaahan oo laga haqabtiro inay keentay in la aasaaso Machad kaani waxaana uu sheegay in Machadka ay Wax kadhigi doonaan Macalimiin Jaamiciyiin ah oo Takhasus ah.

no images were found

Sidoo kale waxaa uu ka waramay Xiliga la dhiganayo ama daraasadu ay baxayso isagoo sheegay in Maalinta Khamiista iyo Jimcaha ay Ardaydu Duruusta u soo xaadirayaan si uusan wakhti yar Ardaygu uga faaidaysto Aqoonta Machadka waxaana uu sheegay Manhajka Machadku maadooyin ka mid ah laga soo xigtay Jaamacaha ugu caasan Dalka Sucuudiga , waxaana uu sharaxaad dheer ka baxshay Machadka iyo qaab waxbarsheedkiisa isagoo carabku ku dhuftay in ardaydu ay tadbiiq ku samayn doonaan qaar ka mid ah Mawaadda. Maamulaha Machadka Ibnu xajar al Casqalaani Sh.Saciid Dayib oo Xaflada ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay inay soo dhawayna yaan Machadka ayna Ardayda ku baraarujinayaan sidii ay uga faaidaysan lahaayeen.

Dhinca kale C/wahaab Salaad Xasan Maamulka Wabsaydka Islaamiga ah ee Daarulcilmi.net oo isaguna kalmad kasoo jeediyay Xaflada ayaa waxaa uu sheegay in Macluumaadka diiniga ah ee Wabsaydka kabuuxa ay ku yimaadeen Dacwo ka qayb qaadasho waxaana uu sheegay in ay tadbiiqin jireen wax yaabaha ay Culimadu usheegeen Xiligii Saxwadu ay bilowga ahayd.

Gabagabadii waxaa isaguna ka hadlay Madasha Xaflada lagu daah furayay Machadka Abuu hurayra Ciise Cabdi Barre oo ku hadlayay Magaca Ganacsatada waxaana uu sheegay inay soo dhawaynayaan Machadkaan Cusub ayna lagarab taagnaan doonaan Xoog iyo Xoolo wixii taagtooda ah ayna ka faaiidaysan doonaan insha alaah. Sikastaba ha ahaatee Furitaanka Machadkaani Cusub ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xilli baahi wayn loo qabo Machadka noocaan oo kale ah Bulshadana ka haqab tiraya dhisidda Daaci iyo Macalin dhaxal gal ah.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online