Saraakiil ka socda ciidanka AMISOM oo gaaray magaalada Beledweyne

September 14, 2013 - Written by Editor

amisomHiiraan:-Saraakiil ka socda ciidamada booliska ee AMISOM ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxaana ay kulamo kala duwan la qaateen mas’uuliyiinta maamulka gobolka iyo kan Degmada gobalka Hiiraan. Kulanka dhexmaray saraakiil Boolis ah oo ka tirsan Midowga Afrika iyo saraakiisha ciidamada booliiska maamulka gobalka Hiiraan ayaa waxaa looga hadlay sugida amaanka.

Saraakiisha ciidanka Booliska ee AMISOM ee saaka gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa waxaa hor kacayey Theophilus Senese waxaa la socday 12 sarkaal oo ka soo jeeda wadamada Nigeria. Sierra Leone, Uganda, iyo Chana .

Dhanka kale Taliyaha ciidamada howlgalka ee AMISOM Col. Cismaan Dubbad ayaa sheegay in ay aad u soo dhaweynayaan saraakiisha ka tirsan AMISOM ee soo gaaray magaalada Beledweyne wuxuuna sheegay in ay waxbadan ku soo kordhin doonaan tababarka ciidanka DFS iyo amniga gobalka.

Waxaa sidoo kale kulanka ka hadlay taliyaha ciidanka Booliska DFS ee magaalada Baladweyne Col.Isxaaq Cali Cabdulle wuxuuna uu sheegay in ay soo dhaweynayaan saraakiisha ka socda AMISOM ee soo gaaray magaalada Beledweyne wuxuuna sheegay in ciidamo ka socda Booliska AMISOM la keeni doono Beledweyne .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online