Fariin Cabsho ah oo ka timid Khattaab Al-Masri oo la faafiyey mar kale (Dhageyso)

September 15, 2013 - Written by Editor

alshabaab10Baardheere:-Waxaa maanta mar kale lagu faafiyey mareegta Rasmi news fariin cod ah oo la sheegay in uu duubay inta aan la dhaawicin lana qaban Khattaab Al-Masri taas oo ku wajahan amiirka Al-Shabaab Ahmed Godane iyo inta ku raacsan fikirkiisa. Khidhaab Al-Masri waxaa uu ka mid ah raga dalka Soomaaliya soo galay wakhtigii Midowga Maxaakimta Islaamiga wuxuuna qeyb weyn ka qaatay tababarka iyo dagaalada lala galay ciidamadii dalka Itoobiya ee xukunka ka riday Midowgii Maxaakimta Islaamiga.

Cabashadan cusub ee ka timid Khdhaab Al-Masri ayaan waxba ka duwaneyn kuwii ay horey baraha internetka ugu faafiyeen Ibraahim Afgani,Zubeyr Al-Muhaajir,Abu Yuusuf Al-Qariim,Abu Mansuur Al-Amriki,Sh.Xasan Daahir Aweys,oo dhamaantood sheegay in amiirka Al-Shabaab uu diiday ku dhaqanka Shareecada dulmi badana uu geystay.

Cabashada haatan ka soo dhex yeeraysa gudaha Al-Shabaab ayaa ah mid la wada dhowrayey ka dib markii xadgudubka diineed ee hogaanka Al-Shabaab uu gaaray in uu noqdo Amiirkii caanka ahaa ee Muslimiinta qofkii khilaafana aduunka la dhaafiyo.

Ilaa iyo markii ay soo baxay dulmiga ay sheeganayaa rag maqaam fiican ka joogay Al-Shabaab ayaa waxaa si gaadmo ah ama dhagar ah loo khaarajiyey rag badan oo ay mareykanku ku doonayeen malaayiin lacag ah waxaana u danbeeyey Cumar Xamaami oo loo yaqaan Abu Mansuur Al-Amriki iyo Usaama Al-Britaani halka nolal lagu qabtay Khadaab Al-Masri.

Dad badan aya waxay is weydiinayaan wax sida gaarka ah ay hogaanka Al-Shabaab ugu dilayaan raga uu mareykanku ku doonayo malaayiin lacag ah waxaana rag ilaa haatan lagu dilay gudaha soomaaliya ka xusi karnaa Saalix Nabhaan, Bilaal barjaawi,Abu Dhalxa Al-Sudani ,Fasuul Cabdulaahi Maxamed, Abu Mansuur Al-Amriki iyo Usaama Al-Britaani.

Hoos ka Dhageyso Qaylo dhaan ka timid Khidhaab Al-Masrii oo ahaa Saraakiisha Muhaajiiinta ee ka garab dagaalamaysay Al-shabaab

[audio:https://halgan.net/Mp3/Al-Misri.mp3] ama Halkaan ka dhagayso

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online