Madaxweynaha maamulka KMG ah ee Jubba oo soo gaaray Copenhagen
September 19, 2013 - Written by EditorCopenhagen:-Madaxweynaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe ayaa waxaa xalay uu soo gaaray magaalada Copenhagen ee caasimada Danmark.Wafdiga Madaxweynaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Madoobe ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Copenhagen ku soo dhaweeyey qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Copenhagen, Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa la filayaa in ay kulamo la qaadan doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Copenhagen waxaan ay uga warbixin doonaa xaalada gobollada Jubooyinka iyo Gedo iyo Shirkii New Deal ee ay kaga qayb galeen magaalda Brussels.
Wafdiga maamulka KMG ee Jubba oo ay xubno muhiim ah ka ahaayeen Prof Gaandi iyo Dr Cumar Cabdirashiid Cali sharmaake ayaa intii ay ku sugnaayeen magaalada Brussels waxaa ay kulamo la qaateen xubno sare oo ka tirsan Midowga Yurub iyo beesha caalamka iyagoona u gudbiyo qoraalo ka tarjumaya xaalada ka jirta gobollada Jubooyinka iyo Gedo waxaan ay codsadeen in Hay’addaha caalamiga ah ay yimaadaan Gobollada Jubooyinka iyo Gedo si gar gaar loogu fidiyo dad barakacayaal ah oo ku nool goboladaas.
A/cawaale
Halgan.net