Rasaas culus oo laga maqlayo Xarunta Westgate Shopping Mal

September 23, 2013 - Written by Editor

sawiroNairobi:-Wararka saaka naga soogaaraya magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa sheegaya in rasaas xooggan  laga maqlayaa dabaqa 4aad ee dhismaha Westgate Mall, halkaas oo ay kooxda Al-shabaab dad rayid ah afduub u heystaan. Rasaasta xooggan ayaa waxay bilaabatay ka dib markii ay ciidanka Kenya oo garab ka helaya kuwa reer galbeedka ay soo galeen qeyb ka mid ah dabaqa 4aad . Afhayeen u hadlay ciidanka Milateriga ee dalka Kenya ayaa  sheegay in afar ka tirsan ciidamadooda ay ku dhaawacmeen howl galka lagu soo bad baadi nayo la heystayaasha ku sugan dhismaha xarunta ganacsiga ee Westgate Shopping Mal.

Ciidamada Amaanka ee dalka Kenya qeybahooda kala duwan ayaa ku hareereysan dhismaha xarunta ganacsiga ee Westgate Shopping Mal waxaana saaka laga maqlay qarax iyo rasaas xoog badan oo ay is dhaafsanayaan ciidanka Kenya iyo kooxda Al-shabaab ee ku jirta Suuqa Westagte Shopping Mall.

Rag hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraray xarunta Westgate Shopping Mal maalintii Sabtida iyagoo adeeg sanayay bambooyin iyo qoryaha darandooriga u dhaca waxaana ilaa haatan weerarka ku dhintay 69 qof halka ay 175 kale ku dhaawacmeen.

Afhayeenka ciidanka milateriga Kenya, Col. Cyrus Oguna ayaa telefishinka Al Jazeera u sheegay in lagu guuleystay sii deynta la-haystayaal ka badan 1000 qof wilina ay uu socdo howlgalku.

A/Cawale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online