Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole oo gaaray dalka Yemen.

September 24, 2013 - Written by Editor

farooleSanca:-Madaxweynaha Puntland Dr. C/raxmaan Faroole iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Sanca ee caasimada dalka Yemen. Wafdiga madaxweynaha Puntlland ee gaaray dalka Yemen ayaa waxaa ka mid ah wasiirka caafimaad ka Dr.Cali Cabdullahi , wasiirka amiga Col. Khaliif Ciise Mudan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiraxmaan Sh.Maxamed Farole oo ku sugnaa dhowr cisho magaalada Dubai ayaa waxaa uu casuumaad rasmi ah ka hellay Madaxweynaha dalka Yemen Abdi Rabbuh Mansur Hadi. Wafdiga  Madaxweynaha Puntland waxaa soo dhaweeyey wasiirka arrimaha gudaha, safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya ee Yemen iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada dalka Yemen.

Wafdiga Madaxweynaha Puntland inta ay ku sugan yihiin dalka Yemen waxaa la filayaa in ay kulamo gooni gooni ah la qaadan doonaa  madaxda ugu saraysa dowladda Yemen, wax yaabaha la filay in wafdiga Puntland kala hadlaan dalka Yemen waxaa ka mid ah Tahriibka, burcadbadeedka, iyo ganacsiga.

Ma ah markii ugu horaysay  oo Madaxweynaha Puntlland  iyo wafdi la socda ay safar martiqaad ah ku gaaraan  Yemen  waxaan sanadkii 2010 madaxweynaha Puntlland uu kulan la qaateen  Madaxweynihii hore ee dalka Yemen Cali Cabdalle Saalax.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online