Al-shabaab yaa dhalay? qaybtii 4aad W/Q Sh Axmed Cabdisamad

September 24, 2013 - Written by Editor

alshabaab10Laga soo bilaabo markii maxkamaduhu jabeen waxaa taagnayd eed loo jeedinayo wadaadada gaar ahaan maxkamadaha oo ahayd balaayadaan idinkaa noo keenay iyo waad noo qariseen. Marar badan iyo meelo kala duwan baan kaga jawaabay eedaymahaas. Jawaabihii aan bixiyey waxaa ka mid ahaa: Oday ma tukade ah iyo wiilkiisii ayaa Allabari (sab) soo aaday. Caadadu waxay ahayd in sabta waab ama bannaan lagu cuno laakiin sababtu waxay doonto ha noqotee maanta waxaa la yiri: hilbaha masaajidka ayaa lagu cunayaa!. Odaygii iyo wiilkiisii kub-kuboorreyaalka ahaa talo ayaa ku caddaatay. Nin aan tukan inuu masaajidka galo ma qumana, in Allabarigu sidaas ku dhaafana waa dhib. (Ogow masaajidka iyo diintu soomaalida dhexdeeda xurmo ayay ku lahaayeen Al-shabaab ka hor). Odaygii ayaa ku yiri wiilkiisii: aabbe lugaha soo dhaqo, haaweydii hilbihii masaajidkay la galeene!.

Waxaan ku iri dadkii eedda usoo jeedinayey maxkamadaha: soomaali xukun iyo xoolo ayay isku haysatey, labadiiba si lama filaan ah ayay masaajidka usoo galeen, raggii mici-gamaarta ahaa ee 30-50 sano jirriqsanayey oo nin walba is lahaa mar uun bay ku soo mari doontaa iyo qabaa’ilkoodii oo ku daaban ayaa hal mar arkay wixiiba iyagoo masaajidka lala galay, taasna waxay keentay in la isugu habarwacdo: waar cagaha soo dhaqdaay! Oo masaajidka gudihiisa la isugu yimaado, nin walbana ku doodo inuu guusha maxkamadaha wax ka dhaliyey iyo inuu taageersanaa iwm; si uu u helo meel uu ka soo galo.

Waxaan ku iri: nimanyohow annagu xoogaa wadaado ah oo masaakiin ah baan ahayn ee ma waxaad noo qabsanaysaan balaayadaan cagaha soo wada dhaqatay waxay bi’isay!, arrintaasna xilligeedii waa la iiga garaabay.

Tan labaad waxaan ku jawaabay: annagu waxaan ahayn xoogaa wadaado ah oo ka soo jeeda qabiilooyin kala duwan. Markii taladu gacanta noo soo gashay ayaa qabiil kasta iyo jifo walba olole ku qaaday wadaadkii ka dhashay, waxayna dhagta ugu sheegeen inuu iyaga meesha u joogo, ayna tahay inuu beesha u keeno wuxuu heli karo iyo wuxuu haaban karaba. Waliba intaa kuma harine qolo walba waxay cuqdad iyo colaad soomaalida kale u qabtay ayay xusuusisey wadaadkii iyaga ka dhashay. Haddaba haddii qolo walba wadaadkeeda dulmi iyo eex ugu baaqdo annaga yaan eeda nala saarin ama qolo walba wadaadkeeda khayrka ha farto, hana ku caawiso oo markaas wixii xumaada ha naloo qabsado.

Xilliyadaas doodu waxay ahayd Al-shabaab ma maxkamadahaa keenay mise dagaal-oogayaasha? Salafiyo iyo Ictisaamna meesha  ma ool. Gartaas waxaa qaaday Amiin Caamir oo kartoon ku muujiyey sida maxkamadu u dhacday ee dib u xusuuso.Hadalkaas macnihiisu waxaa weeye in bah wadaadood isku duubnaayeen xilliyadii maxkamadaha iyo muqaawamada.

Wixii ka dhashayna loo wada-tiiranayey xumaan iyo samaanba, iyaguna ay si wadajir ah isaga difaacayeen wixii meel-kadhac ku ah laakiin xilliyadaan dambe waxaa bilowday in Al-shabaab si gaara loogu leexiyo Salafiyiinta gaar ahaan Jamaacada Al-ictisaam iyo in samaysankooda lagu sababeeyo kutubta Salafiyiintu akhriyaan iyo in Al-shabaab lagu xiriiriyo Mucaskaraadkii Jamaacadii Al-ittixaad.

Qaybaha soo socda ee qormada ayaynu eedaymahaan kaga jawaabi doonaa, haddii Alle idmo ee ha sugi waayin.

 

W/Q: SH. Axmed Cabdisamad
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online