Al-shabaab yaa dhalay? (Qeybta 6aad) W/Q Sh Axmed Cabdisamad

September 27, 2013 - Written by Editor

Maqaal-300x158Tuhmooyinka beryahaan soo kordhay waxaa ka mid ah in Takfiir, Qaacido iyo Shabaab ka dhasheen kutubta Salafiyadu dadka u akhriso. Ugu horrayn aynu isla meel-dhigno in dhexdhexaadnimada la doonayo ay tahay sharciga islaamka oo loo raaco iyada oo aan wax lagu darin, waxna laga dhimin. Wixii kitaabka Alle iyo xadiiska nabiga scw waafaqsan waa dhexdhexaad ay tahay in lagu dhaganaado, wixii ka leexsan kitaabka iyo xadiiskana waa xadgudub qalloocan oo marinhabow ah oo la doonayo in laga dheeraado.

Haddaba si aynu u hubsano in balaayadu ka timid kutubta dalkeena laga akhriyo ama qaarkeed aynu kutubtaas dhamaanteed u bandhigno Qur’aanka iyo xadiiska nabiga scw; si ciddii waxa kutubteeda ku qoran daliil uga weyda Qur’aanka iyo xadiiska aynu isaga qabano iyada iyo kutubteedaba, ciddii kutubteedu Qur’aanka iyo xadiiska waafaqdana aynu uga faa’iidaysano, ugana fogayno tuhmada dulmiga ah.

Dhinac kale waxaa su’aal ah nimankii riddoobay samankii nabigeena scw, kuwii munaafiqiinta ahaa iyo khawaarijtii soo shaac baxday xilligii Sayid Cali ma kutubta Salafiyada ayay soo akhristeen mise meel kale ayaa looga yimid?. Waa hubaal in aysan xilligaas jirin wax kutub ah oo ka baxsan Qur’aanka iyo xadiiska nabiga scw oo dadka loo akhriyi jirey ee ma kitaabka iyo sunnaha nabiga ayaa dhalay khawaarijta?.

Tuhmooyinka kale ee beryahaan soo kordhay waxaa ka mid ah: mushkiladu waa kutubta Sucuudiga laga keeno!. Horay waxaan usoo sheegnay in halbeegga saxnaanta iyo qaldanaanta kutubtu uu yahay waafaqida iyo khilaafida Qur’aanka iyo xadiiska. Taa macneheedu waxaa weeye in aysan wax ka sooqaad lahayn cidda kitaabka Alliftay iyo meesha lagu allifay ama lagu daabacay ee la tixgalinayo waxa kitaabka ku yaal Qur’aanka iyo xadiiska ma waafaqsanyahay mise waa khilaafsanyahay?.

Haddii dadka qaarkii ku adkaystaan in la tixgaliyo meesha kitaabka laga keenay waxaa mudnaanta koowaad yeelanaya meeshii diintaani kusoo degtay, nabiguna sheegay in iimaanku ku uruuri doono, waana labada masjid ee Makka iyo Madiina. Ninkii sheegta in meel labadaas ka mudan jirtana warkiisu waa sidii loo yiri: “Durdur baa biyo waayey oo Docmaa looga arooray dad mow qaadanayaa?”.

Dhinac kale marka laga eego culumada ugu waaweyn uguna caansan Soomaaliya salafiyiin iyo ikhwaan kay doonaan ha ahaa deene badankoodu waxay wax ku barteen Sucuudi, waxayna wax ka barteen kutub iyo culumo Sucuudi ah, afkaartaan xadgudub ka ahna ma galine maxaa Sucuudi iyo culumadiisa ammaantaas loogu diidayaa?, maxaase dusha looga saarayaa eedda ay galeen dad aan dalkooda wax ku baran, culumadooda iyo kutubtoodana wax ka baran?.

Dadka Sucuudiga u muujiya meel sharta oo dhan ka timaado waxaa habboon inay isweydiiyaan dunida kale ee muslinka salafiyo waa wada joogtaa, kutubtoodana waa lagu daabacaaye maxaa ku gaar ah salafiyada Sucuudiga iyo kutubta lagu daaboco?. Haddii dadka qaarkiis kutubta salafiyada dhibsadeen ama Sucuudiga iskood u neceen ama ay kutub kale jeclaysteen waxaa ku filan in aynu kutubteena oo dhan u bandhigno Qur’aanka iyo xadiiska, wixii waafaqa aynu isla qaadano, wixii khilaafana aynu ka wada tagno, qof muslim ahna marna kuma habboona inuu xaq u muuqday ma jecli uga leexdo, shar u muuqdayna waan jeclahay u raaco.

W/Q Sh Axmed Cabdisamad
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online