Ra’iisal wasaarihii hore ee DFS Prof.Geedi oo ka hadlay doorashada Puntland[Dhagayso]
January 5, 2014 - Written by EditorNairobi:-Ra’iisal wasaarihii hore ee dowladda Federaalka ee ku meel gaarka Prof Cali Maxamed Geedi oo waraysi gaar ah siiyey Radio Daljir ayaa waxaa uu ku amaanay Puntland qaabka nabad gelyada ah ee loo doortay gudoonka baarlamaanka Puntland.
Ra’iisal wasaarihii hore ee dowladda Federaalka ee ku meel gaarka Prof Cali Maxamed Geedi ayaa sheegay in uu si wanagsan u garanayo guddoomiyaha baarlamaanka cusub ee Puntland Siciid Xassan Shire waxaan uu xusay iin uu yahay shaqsi ka soo bixi kara xilka loo doortay.
Ra’iisal wasaarihii hore ee dowladda Federaalka ee ku meel gaarka Prof Cali Maxamed Geedi ayaa sidoo kale sheegay in guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland Siciid Xassan shire uu ka mid noqday golahii wasiirada ee xukuumadii uu hogaaminayey.
Ra’iisal wasaarihii hore ee dowladda Federaalka ee ku meel gaarka Prof Cali Maxamed Geedi ayaa ugu baaqay shacab iyo maamulba in lagu daydo horumarka iyo nabadgelayad ka jirta Puntland iyo qaabka hufan oo ay u doorteen hogaanka gudoonka baarlamaanka Puntland.
Hoos ka Dhagayso waraysigii uu Radio Daljir la yeeshay Ra’iisal wasaarihii hore ee DFS Prof. Geedi