Madaxweynaha DFS oo ka hadlay geerida Axmed Godane ee Mareykanku Sheegtay (Daawo)
September 5, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caawa ka hadlay geerida amiirka kooxda Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane oo uu Mareykanku Sheegtay.
Madaxweynaha DFS ayaa sheegay in ay ugu baaqayaan dhalinyarada Soomaaliyeed in ay isaga soo baxaan Ururka Al-Shabaab isaga oo sheegay kuwa madaxada u ah in ay ku danbeyn doonaan halka uu maray Amiirkooda.
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay dhibaato badan u geysteen shacabka Soomaaliyeed wuxuuna sheegay in wakhtigii Al-Shabaab uu dhamaaday.
Hoos ka Daawo Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlaya geerida Godane ee Mareykanka uu Sheegtay dilkood
A/Cawale
Halgan.net