Abwaan Dahir Maxamed Nuur oo Tiriyay Gabay uu ugu Magac daray “ALLA BARI” (Dhageyso.)
January 1, 2012 - Written byMinisota:-Abwaan Dahir Maxamed Nuur oo ah Abwaan soomaliyeed kuna dhaqan Wadamada qurbaha ayaan waxaan ka duubnay gabay uu curiyay oo uu ugu magac daray alla bari,waxaa uuabwaanka uga hadlayaa gabaygan dhibaatada aan dhamaaneyn ee ku habsatay umadda somaliyeed isagoo sidoo kale alle ku baryaya weydiisanayana in uu mar uun ka dulqaado dhibaatdan baahsan ee somalida dal iyo dibdaba baacsaneysa.
Sidoo kale abwaanka waxaa uu Tiriyay tix uu uga hadlaya Naftiisa iyo Mahadnaq uu allah ugu mahad naqayo sida uu ugu nicmeeyey waana tixi uu allah xamdigiisa ku xusayo.
Sidoo kale abwaanka waxaa uu Tiriyay Tix uu Ugu Magac daray “Ma Sinna” oo uu tiriyay Xili uu ka shaqeynayay shaqo aad u adag oo xilli
Soon qaad ay ahayd,waxaana walaalhihi la sahqeynayay ay dhaheen soonka waa nagu adagayahayoo shaqadaa adag halkaasna waxaa uu ka tiriyay tixdan Ma Sinna oo ereyadeedii aan ka xusin karno.
Ma Sinna Abaar Siridha iyo Saban Barwaaqeed,
“Ma Sinna Sabciin Ruux Jiri iyo Sabi Caruureed,
“Ma Sinna Samaya Hoodal iyo Saan cadleey Xun,
“Ma Sinna Fulaha Soodal iyo Saajac Dirira,
“Ma Sinna Nin Soor Qariya iyo Sikhiga Dhiibaa,
“Ma Sinna Cayaar Salawday iyo Subaca diimeed,
“Ma Sinna Saqiif iyo Nin Ragga oo Saami kala roon,
“Ma Sinna Nin SIra badan watiyo Saafi ki ihi,
“Ma Sinna Ninkii Sawjada igdhada iyo kii Zinna U Dhuuntaa,
“Ma Sinna Nin Soor Soon Qaad Cuniyo Saa’im Kii ihi,
“Ma Sinna Anigu Saan ihiyo Nimaan Salaad ogin,
Halkan Ka Dhageyso Gabaydii Abwaan Daahir
Al-Yaqiin .Com