Ciidanka nabad sugidda DFS oo howlgalo ka sameeyey Degmada Kaxda
November 8, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Ciidamada Hay’ada nabad sugidda iyo sirdoonka DFS oo ay weheliyaan Maamulka Degmada Kaxda ayaa maanta howlgalo ka sameeyey Degmada Kaxda waxaana ay gacanta ku soo dhigeen maandooriyaal.
Ciidanka Amaanka ee DFS ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen shan qof oo lagu tuhmayo in ay ka ganacsan jireen maandooriyaha gaar ahaan qamriga mac malka ah ,xashiish iyo agabyo kale.
Guddoomiyaha Degmada Kaxda Cabdikaamil Shukri Xirsi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalada maanta ay ka sameeyeen Degmada Kaxda wuxuuna sheegay in maandooriyaasha ay qabteen ay soo wargaliyeen shacabka ku dhaqan Degmada Kaxda .
Ciidamada Hay’ada nabad sugidda ee DFS ayaa howlgalo ka wada degmooyinka magaalada Muqdisho waxayna gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo hub kala duwan.
A/Cawale
Halgan.net