DFKM oo warsaxaafadeed ka soo saartay kalfadhigii baarlamaanka DFKM iyo go,aamadii ka soo baxay maanta
January 4, 2012 - Written byMuqdisho:-Warsaxaafadeed caawa ay ka soo saartay DFKM kalfadhigii baarlamaanka iyo go,aamadii ka soo baxay maanta iyaga oo diiday go,aankii ay gaareen maanta garab ka tirsan xildhibaanada DFKM iyaga oo gudoomiyaha baarlamaanka DFKM u doortay xildhibaan Madoobe Nuunoow Maxamed .
Warsaxaafadeedka oo nuqul ka mid ah ayaa waxaa uu soo gaaray Halgan.net waxaan uu u qornaa sidan.
Kulankii caadiga ahaa ee ay maanta isugu yimaadeen Gudiga Amniga Qaranka oo looga hadlay xaaladda amni ee dalku ku suganyahay iyo qalalaasaha siyaasaddeed ee ka aloosan Golaha Baarlamaanka, uuna shir gudoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed isla markaana ay kasoo qeyb galeen Gudoomiyaha Baarlamaanka, Ra’isul wasaaraha Xukuumadda,K/xigeenka Ra’isul wasaaraha ahna WasiirkaGaashaandhiga,Wasiirada Cadaalada,Warfaafinta iyo Wasiir Ku xigeenka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka iyo Taliyayaasha Ciidanka & Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxay ku tilmaameen wax laga xumaado dhibaatadi iyo khasaarahii ka dhacay xarunta Baarlamaanka, iyagoo umadda soomaaliyeed uga tacsiyeeyay falalkaas masuuliyad daradda ah ee aan ku habooneyn.
Guddiga iyagoo tixgelinaya marxalada adag ee dalku marayo iyo xaaladaha siyaasadeed, amni iyo fadhiyada joogtada noqday ee buuqa iyo rabshadaha wata, waxay u arkeen in ay lama huraan tahay in ay go’aan ka qaataan si loo badbaadiyo sumcada iyo magaca qaranka Soomaaliyeed, waxay go’aansadeen qodobadda soo socda:
a) In kulanki manta iyo kuwii ka horeeyaba ee lagu dagaalamay iyo go’aanadi kasoo baxay ay ahaayeen kuwa aan ku fadhin sharci, isla markaana waxba kama jiraan ah.
b) In baarintaan deg deg ah lagu sameeyo fal danbiyeeyadi ka dhacay xarunta Baarlamaanka ee sababay khasaaraha isugu jira dhaawac iyo burbur hantiyeed.
c) Si looga hortago qalalaaso hor leh, loogana baxo marxaladda adag ee dalku marayo waa in lasoo dedejiyaa howlihii dhameystirka iyo ansixinta Dastuurka iyo soo xulidda xubnaha Baarlamaanka cusub.
Ugu danbeyn, Gudiga Amniga Qaranka wuxuu u soo jeedinayaa dhamaan xubnaha baarlamaanka in ay tixgeliyaan Axdiga Ku meel gaarka ah ee Soomaaliya oo saldhiga u ah shuruucda dalka.
DHAMMAAD