Xildhibaanada Baarlamaanka DFS oo maanta loo qeybinayo mooshinka ka dhanka ah R/W Cabdi weli

December 2, 2014 - Written by Editor

xildhibaanoMuqdisho:-Xildhibaanada Baarlamaanka DFS ayaa maanta lagu wadaa in loo qeybiyo mooshinka ka dhanka ah Xukuumada Raisulwasaare Cabdiweli Sh xili ay wili ay xubnaha baarlamaanka DFS u kala jaban yihiin laba garab oo kala taageersan Madaxweynaha DFS iyo Raisulwasaare Cabdiweli Sh Axmed.

Xildhibaanada kala taageersan laba Masuul ee u sareeya DFS ayaa qolo walba ku faaneysaa in ay iyagu yihiin tirada badan waxaana ay shirar kala duwan shalay ilaa xalay ku yeelanayeen Hotelada magaalada Muqdisho.

Ajandaha maanta hor yaal golaha baarlamaanka DFS ayaa ah in la qeybiyo Mooshinka ka dhanka ah Raisulwaasaraha DFS Cabdi weli Sh oo sadex mar lagu qeybin waayey Golaha Baarlamaanka DFS .
Guddoonka Baarlamaanka DFS ayaa dhawaan shaaciyey in xal laga gaaray khilaafkii u dhaxeeyay xubnaha baarlamaanka waxaana xukuumada Raisulwasaare Cabdi weli uu ku dhici karaa hadii 139 xildhibaan ay kalsoonida kala noqdaan.

Shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka gudahiisa iyo dibadiisa ayaa dhowraya xaalka uu ku soo dhamaado Mooshinka ka dhanka ah Xukuumada Raisulwasaare Cabdi weli .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online