Madaxweynah Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo ku sii jeeda Baydhabo

December 3, 2014 - Written by Editor

dfs1Baydhabo:-Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa saaka waxa la filyaa in uu safar ugu ambabaxo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay si uu uga qayb galo caleemasaarka  madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan oo maanta ka dhaceysa Baydhabo.

Wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud  ayaa waxaa ka sii horeeyey wafdi wasiiro  iyo Xildhibaano ka tirsan DFS oo uu hogaaminayey Wasiirka warfaafinta iyo hanuuninta dadweynaha Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow.

Xafladda caleema saarka aya saaka ka dhaceysa magaalda Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay iyadoo magaalada ayaa ku sii qulqulyaan Odayaal dhaqan,Xildhibaano wasiiro iyo sarakiil ka tiran DFS , iyo masuuliyiin ka tirsan maamul gobolleedyadda dalka ka jira.

Dhinac kale Xafladda caleema saarka ee saaka ka dhaceysa magaalda Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa waxaa kale oo ka qayb galay wafdi ka socda dowladda Puntland oo uu hogaaminyo wasiirka caddaaladda Puntland Ismaciil Max’ed Warsame oo ay weheliyaan wasiirada War faafinta, wasiirk Deegaanka,wasiirka Dastuurka xubno ka tirsan  golaha wakiilada iyo Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaan ciidamo fara badan la soo dhoobay goobta ay ka dhacayo Xafladda caleema saarka madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan iyo weliba wadooyinka qaarkood.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online