Dawladnimo, Danguud, iyo Dayaca Soomaaliyeed W/Q Dr. Khadar Omar Jama
December 3, 2014 - Written by EditorDawladnimadu waa teedka iyo darbiga ugu muhiimsan ee umadduhu ku naaloodaan. Umadaha qadarinta iyo tixgalinta kuleh nolosha, waxay kutiirsan yihiin nidaam dawladdeed oo u taagan aaya kalintooda. Dhamaan xadaaradaha lajanto ee dunida ka hanaqaaday waxa hormood ka ahaa dawlad han iyo higsi leh. hadaba muslimiintu waxay si wadar ah u dugsanjireen mudo dheer xukunkii khilafada Islaamiga ahayd (Islamic Caliphate) waxaana soo gunaanaday, ama ugu dambeeyay maamulkii loo yaqaanay ( ottoman Empire ) kaas oo hoobtay sanadkii 1924 kii. nidaamkan (ottoman Empire ) wuxuu ahaa magac u yaal, waana sababta keentay in lagu magacaabo (sick man ).
Intaanay hadaba reer galbeedku warmaha la boobin taliskan sii hoobanaaya ee lamagac baxay “sick man” waxa labilaabay abaabul iyo dhaqdhaqaaq nuxurkiisu yahay sidii loo qaybsan lahaa hantida agoonta ( muslimiinta ) aan tusaale u qaadano laba shir oo kala ah:
1: syskes-picot conference 1916. shirkan waxa isugu yimid ingiriiska, faransiiska iyo ruushka, waxaanu ku saabsanaa sidii laynoo qaybsan lahaa.
2: Balfour declaration 1917, nuxurka shirkani wuxuu ahaa sidii falastiin dhulka looga qaadi lahaa, waxaana halkudhig u ahaa land without people for a people without land, oo looga jeedo in dhulka falastiin lasiiyo yahuuda.
Markay hadaba dhacday khilaafadii islaamka ee ahayd magac uyaalka, muslimiinta waxa soo foodsaaray dayacnaan iyo baylah aad u foolxun, waxaana lasoo gaadhay wakhtigii lafulin lahaa,qorshii syskes-picot conference, iyo in gumaystuhu kala boobo dhulka muslimiinta, lana kala qaybsado sidii hanti ninkii lahaa dhintay.Waa markii uu lahaa Maxamed Cabdulle Cali “Gammuute”
Waa duni Illaah leeyahoo, aadmi laylyadaye
Waa duni indhii laga ridiyo, araggi faayaaye
Waa duni iblays iyo fircoon aalada u tumaye.
Waa markii sidoo kale Faarax nuur ku calaacalaayay
Waa duni la kala iibsaday oon nala ogeysiine
Arligaa la kala boobayaa nin u itaal roone
Anna ila ah aakhiru Sabaan iligyadiisiiye
Markii hadaba gumaysigu soo caga dhigtay wadamada islaamka wuxuu ku dadaalay sedex arimood oo kala ah:-
1: inuu abaabulo odayaal hadimo talis ah, oo caado qaatayaal ah sida uu tilmaamaayo darwiishkii ismaaciil mire:
Haddii Caaddilnimo loo gar naqo ma laha ceebaale
Waxa lagu cadaab mudanayaan cad aan bannaanayne
Wallee caaqillladu tay hayaan camal kalow dhaama!
2: inuu samaysto daba dhilifyo u adeega oo uu xilka dhaxalsiiyo, kuwaas oo magaca iyo muuqaalka soomaali ka ah, maanka iyo maskaxdana shisheeye ka ah.
3: inuu inoo dajiyo xeerar laysku dhaqo isla markaana lagu daadifeeyo shareecada islaamka.
Waana sedexda qodob ee muslimiintu kasoo waaqsan waayeen, tusaale ahaan dalka soomaaliya oo ahaa dal lagumaysto, gumaysiga hortiina aan lagu aqoonin hanaan dawladnimo, ayaa halgan gobonimo doon ah dabadii gacanta ugalay siyaasiyiin aan ku tilmaami karo inay ahaayeen sabool. ugama jeedo inaanay haysan bar xoolaad, waxayse sabool ka ahaayeen aqoon, waxayna ka arradnaayeen cadaalad sida kamuuqata habdhaqan-kooda siyaasadeed, waxay caadaysteen sadbursi, qabiil iyo xatooyo qaran.waxay horseedeen in lawaayo hanwadareedkii iyo himiladii umadeed ee ahayd dal iyo dawlad loo dhanyahay.
Siyaasiyiintani may ahayn cir kasoodhac iyo kuwo iskood uyimid, ee waxay ahaayeen shirqool gumaystuhu soo maleegay si ay u dhiciseeyaan himiladii xornimo ee la daba Kabtinaayey mudo aad u dheer oo wiil iyo walaalba lagu waayay. dadkii soomaaliyeed ee soo halgamay waxay ku sirmeen siyaasiyiin afka iyo oogada soomaali ka ah, uurkana reer galbeed ka ah. Waata ka yeedhsiisay Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim) inuu yidhaahdo:
Dembi ku hadli maayee ma arag dawladdaan rabaye
Isma doorin gaalkaan diray iyo daarta kii galaye
Dusha midabka Soomaalibaad dugulka mooddaaye
Misna laguma diirsade qalbigu waa dirkii Karal e
Meeshaan dad aan urursho iyo darar ka eegaayey
Iyaba waa darxumo ii hadhaye dacar miyaan leefay
Ma dorraato raadkaan dhigaan dib ugu soo laabtay.
Taasi waa talaabadii koowaad ee uu qaaday gumaystuhu. Waxa dhinac socday talaabo kale oo kahalis badan oo ahayd in laynaga leexiyo diinteena inagoon dareemin. Waa arinta ku saabsan sharci dajinta, wali ma iswaydiisay waxa kaaga xidhan sharci uu xarxariiqay qof adiga kula mid ahi? Mise sharciga rabbi ayaan dhamays tirnayn oo ilaahay ayaa ilduufay? mise cadaalad darro iyo eex ayaad katabanaysaa? Maya, ee cayayaankaba qaar ayaa cadarka ku dhinta, dadkana qaarbaa sidaa kadhigan. Sida uu tilmaamay Xaaji Aadan Afqalooc.
Bahal cadarku dilayaa jiroo digo shifaysaaye
Idinkana daliilka iyo wacdigu waydin didiyaa
Hadaan kusoo dhawaadu mushkilada dawlad xumo ee dalalka muslimiinta guud ahaan, gaar ahaana soomaaliya waa:
1: colonization oo ah in xoog lagugu muquuniyo muruq ahaan iyo maan ahaanba.
2: susceptibility of colonization “القابلية للاستعمار” Oo ah inaad u abasaxdo ama aad u nuglaato in lagu gumaysto, waana ta ka dhacday dalka aynu ku abtirsano iyo dhamaan wadamada islaamka. tusaale ahaan markii 28/5/1959kii uu dalka booqashada ku imanayay Duk Golostar oo ahaa boqorada Ingiriiska adeerkeed, ragbaa waxay ku geerarayeen weedhahan yaqyaqsiga leh:
Sidii naag dhaliwaydoo
Dhawaan eeba waxsiiyoo
Dhabta wiilyar ku haysa
Waanu kuu dhaga beelee
Dhaladkii ingiriisoow
Xageen kaa dhunkadaa.
Ugama jeedo inay dadku sidaa wada ahaayeen, waxaanse uga socdaa inay taladu gacanta u gashay kooxdan aad moodu inay gumaysigaba ka fadala cadaayeen, waxayna lashir-yimaadeen laba arimood oo kala ah:-
1: inay diintii ka dhigaan wax ku kooban guur iyo geeri.
2: in dadka iyo dalkaba lagu dhaqo calmaaniyad (secularism) waana dhibtii ugu waynayd ee ku habsatay soomaalida iyo muslimiinta kaleba, walina dadbaa ku wardiyaaya oo aaminsan in lagu badhaadhayo ama kob cagaar leh lagu dagaayo calmaaniyada. hadaba waa maxay (secularism)?
Waa inoo qaybta labaad in shaa allaah.
W/Q Dr. Khadar Omar Jama