Madarasada Taqwa ee Laascaanood oo abaalmarino gudoonsiiyey Arday.[Masawiro]

December 5, 2014 - Written by Editor

DSC_0285Laascaanood:-Malcaamada Taqwa oo ka mid ah Xarumaha Lagu barto Qur aanka kariimka ee ku yaala Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa munaasabad u qabatay arday dhigta malcaamadaas  Malcaamadan oo qur aanka laguxifdiyo waxaa sidookale halkaas abaal marin lagu siiyay ardayad Qur aanka Mudo Kooban ku dhamayasay.

Munaasibadan ayaa waxaa kahadalay Maamulaha Xaruntaas Sh Cabdilaahi Towxiid oo dhawaan qoray manhaj uu ugu talagalay dhamaan macalimiinta soomaaliyeed iyo guud ahaan shacabka muslimka ah Sh Cabdilaahi ayaa ka sheekeeyay qaabka ay ubadka yar yar wax ugu dhigaan.

Sidoo kale waxaa halkaas kahadaly gudomiyaha Jimciyada Qur aanka kariimka ah ee Gobolada Sool Sanaag Iyo Cayn Sh Shucayb oo tilmaamay muhiimda ay munaasibadahan oo kale ardayda u leeyihiin gaar ahaan ardayda oo lagu dhiirgaliyo waxana uu balan qaaday in ay lashaqayn doonaan Malcaamadan Taqwa ee magaalada laascaanood.

Gudoomiyaha ayaa waxa uu halkaas shahaado ku gudoonsiiyay In aad uyar oo qur aanka dhamaysay oo baratay qaababka kaladuwan ee qur aanka loo akhriyo halkaas oo si wayn ugumahad Celiyeen waalidkii gabadhaas dhalay.

Waxaa sidoo kale halkaas kahadlay waalid macalimiin ardayda ayaa waxa ay soo bandhigeen waxyaabaha ay ka barteen malcaamada Taqwa ee Magaalada Laascaanood,dhamaan dadkii ka sooqayb galay ayaa siwayn ulayaabay aqoonta ay akhrriyeen ardaydaas waxana ay akhriyeen sifaadka qur aanka kariimka gaar ahaan qofkasta waxa uu ka jawabayay suu aalo ay maclimiintu waydiiyeen.

no images were found


c/kariim c/laahi
Lascanod,Somalia

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online