Madaxweynaha maamulka Jubba oo la kulmay wasiirka arrimaha dibada Itoobiya
December 9, 2014 - Written by EditorKismaayo:-Madaxweynaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe ayaa waxaa uu magaalada Addis Ababa kulan kula yeeshay wasiirka arimaha dibada Ethiopia Dr.Tedros Adhanom. Kulanka dhexmaray Madaxweynaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaan iyo wasiirka arimaha dibada Ethiopia Dr.Tedros Adhanom ayaa waxaa ay uga wada hadleen duruufaha amniga ah ee ka jira deegaanada Jubba iyo sidii loo wanaajin lahaa xiriirka u dhexeeya maamulka Jubba iyo dowladda Itoobiya.
Wasiirka arimaha dibada Ethiopia Dr.Tedros Adhanom ayaa u balan qaaday Madaxweynaha maamulka Jubba in uu ka taageeri doono dhinacyadda amniga iyo siddii nabad looga dhalin lahaa deegaanada hoos yimaada maamulka Jubba.
Madaxweynaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaan ayaa dhinaciisa ka codsaday dowladda Itoobiya in ay gacan ka siiyaan tababarka ciidanka maamulka Jubba iyo in la sii anbaqaado heshiiskii ku dhexmaray dalka Itoobiya madaxda maamulka KMG ah ee Jubba iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ugu danbayntii ayaa Madaxweynaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaan waxaa uu uga mahad celiyey dowladda Itoobiya sidii ay gacanta uga geystay siddii loo heli lahaa dowladda Federaal ah oo Soomaaliya.
A/cawaale
Halgan.net