Soomaaliya oo Xubin ka noqotay Midowga Carabta ee arrimaha Sayniska hawada sare iyo Falaga.
December 13, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Shirka muddo 4 maalmood (8-11 Dec 2014) ka socday magaalada Shaariqa ee dalka Imaaraatka carabta oo looga hadlayay Taariikhda Seyniska iyo saameyta ay muslimiinta iyo carabtu ku la haayeen taariikh ahaan, sidoo kale arimaha Falaga iyo Hawada sare ayaa waxaa soomaaliya loogu aqoonsaday Xubin rasmi ah oo ka tirsan Midowga Carabta ee arimaha seyniska Hawada sare iyo Falaga.
Bayaan ka soo baxay gababagada shirka ayaa waxaa lagu cadeeyay in Soomaliya ay ku soo biirtay Midowgaas, iyada oo Gudoomiyaha Midowga Carabta ee seyniska hawada sare iyo Falaga Dr Xamiid Al-nuceymi, ahna Gudoomiyaha Jaamacadda Shaariqa, uu caddeeyay gabagabadii shirka in ay ku faraxsan yihiin ku soo biiridda Soomaliya taas oo ah tillaabo horey loo qaaday.
Dr Hassan Albasri Sh. Abdulkadir oo ah Gudomiyaha Jaamacadda Imam ee Muqdishu, ahna xubinta kaliya ee Soomaaliya ka socday shirkana ka qeyb galay ayaa gacan ka geystay ka dhaadhicinta mas’uuliyiinta Midowga in soomaaliya xubin rasmi ah loo aqoonsado. Midowga Carabta ee Seyniska hawada sare iyo Falaga ayaa waxaa la aasaasay 1998, waxaana xubno ka ah wadama carabta, waxa uuna hoostagaa Jaamacadda Carabta.
no images were found