Madaxweyne Gaas oo kulamo kula qaatay dalka Itoobiya madaxweyne ku xigeenka Jubbaland iyo madax kale oo ka tirsan DFS.[Masawiro]
December 15, 2014 - Written by EditorAdis-ababa:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maalintii labaad ku sugan Dalka Itoobiya ayaa waxa uu kulamo kula qaatay magaalada Adis-ababa Madax weyne ku xigeenka Jubbaland Gen: Cabdulaahi Ismaaciil Fartaag iyo madax kale oo ka tirsan Dawladda Federaalka Soomaaliya oo uu ka mid ahaa Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baaralamaanka Federaalka Soomaaliya Mahad Cabdala Cawad.
Kullanka uu madaxweyne Gaas la qaatay Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Gen: Fartaag ayaa waxa ay uga wada hadleen xoojinta xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Dawladda Puntland iyo maamulka jubbaland oo aasaaskiisa ay gacan weyn ka gaysatay Puntland.
Waxay si wadajir ah u beeniyeen laba masuul warar been abuur ah oo qaar kamid ah warbaahinta isla dhex marayeen maalmihii ugu dambaysay taasi oo ahayd in mad madow uu soo dhex galay xiriirka ka dhaxeeya Dawladda Puntland iyo Maamulka Jubbaland taasi oo been abuur ah.
Kullanka ayaa intii uu socday waxaa khadka taleefoonka si toos ah uga qeyb qaatay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe isagoona martiqaad rasmi ah magaalada kismaayo ee xarunta maamulkaasi ugu fidiyey madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waana uu ka aqbalay madaxweyne Gaas martiqaadkaas.
Dhinaca kale Madaxweyne Gaas ayaa Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baaralamaanka Federaalka Soomaaliya Mahad Cabdala kullan qado ah oo uu la qaatay ku booriyey in mudanayaasha baarlamaanka soomaaliya dardar geliyaan howsha ay u hayaan shacabka soomaaliyeed islamarkaana muujiyaan dadaal ku aadan sidii looga guul gaari lahaa hirgelinta doorasho xor ah oo 2016-ka ka hirgasha Soomaaliya, loona baahan yahay in lagu wada shaqeeyo isu tanaasul iyo is afgarad.
no images were found
-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta,
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.
Email : Plpresidecymedia@gmail.com