Nadwadii ka socotay Masjida Al-hudaa oo xalay uu muxaadaro ka jeediyey Sh Fu’aad Xaaji.[Masawiro]
December 17, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa caawa oo taariikhdu tahay 16/12/2014 gashay habeenkii 2aad Nadwo cilmi yeedkii ka socotay masjidka weyn ee Al-hudaa Magaaladda Garowe ee xarunta maamulka Puntland waxaana xalay darsiga kuqornaa Sheekh Fu,aad Xaaji Nuur Waxaana Sheekhu Ciwaan uga dhigay Quraxda Gabadha muslimkaa ciwaankaan oo ahaa mid siwanaagsan sheekhu u lafaguray maxaa u banana gabadha muslimadaa in ay isku qurxiso iyo sidoo kale maxaa diintu kareebtay.
Sh.Fu,aad Xaaji Nuur oo ka mid ah culimada caanka ku ah isticmaalka suugaanta soomaaliyeed ayaa soo qaatay Ayaat ka qur,aanka kariimkaa iyo Zunada Nabigeena Muxamed Sallalaahu Calayhi Wasalam ay ku xarimeen In gabadhu jirkeeda badasho oo midabkii eebe u abuuray ku kalsoonaan weydo taas oo sheekhu sheegay in ay kubadan tahya gabdhaha Soomaaliyeed.
Waxaana sheekhu dhankakale gadigay suntan iyo kiimikada kaladuwan ee kujirta dawada dumarku isku cadeeyaan waxaana sheekhu sheegay in ay kadhashaan cuduro tirabadan oo ay kamid yihiin cudurka gansarka iyo kuwabadan oo sababa dhalmala,aanta /indha la,aanta iyo waliba in gabadhu aysan cimrikeeda kugaarin caafimaad .
Ugu danbayntii waxaa sheekhu kulataliyay gabdhaha in ay ku kalsoo naadaan abuurtii allaah u abuuray iyada ayayna sharaf kuleeyihiin kuna gaarayaan wanaag dhamaan tiis .
Waxaa lasoo gaaray qaybtii Su,aalaha dadweynaha iyo jawaabihii culimadda waxaana Su,aalaha qayb tii ugu horaysay loogu yeeray Sh C/Naasir Xaaji Axmed Waxaana sheekha lasoo weydiiyay Su,aalo dhowr ah waxaana sheekhu kashaafiyay dhamaan su,aalihii lasoo weydiiyay waxayna ahaayeen dhamaan su,aalahaan kuwa aad muhiim u ah bulasha.
Waxaa isna dhan kiisa su,aalaha qaybtii ku xigtay loogu yeeray Sh. Xasan Maxamed Muuse (Sh Xasan Bookh) waxaana sheekha Su,aalo Dhowr Ah lasoo weydiiyay kuwaas oo dhamaan ku saabsanaa Darsigii sheekhu Xalay galay waxaana lasoo weydiiyay Su,aalo aad u cajiib ah kuwaas oo kusaabsanaa sidii lagu dooran lahaa guurka wanaagsan rag iyo dumar.
Waxaa su,aalaha qaybtii kuxigtay loogu yeeray Sheekh Fu,aad Xaaji Nuur Waxaana wax badan laga soo wey diiyay dhaqanka iyo suugaanta soomaliyeed iyo waliba in tasharcigu baneeyay waxaana sheekha kamid ahaa su,aalihii uu kajwaabay Cayaarta looyaqaan dhaantada.
Waxaa lagu soo afmeeray su,aalihii laweydiiyay Sh.Maxamuud Xaaji Waxaana sheekha u badnaayeen su,aalihii laweydiiyay Kuwafiqi ah iyo sidoo kale kuwakahadlaya Deegaanka.
Waxaa habeendanbe loo balan san yahya darsigiin seddaxaad iyo Sh Xassan Maxamed Ibraahiim Abuu Xasaan oo ciwaankiisu yahay (mas uu liyada lagarabo qoyska muslimka.
no images were found
Nuur Jaamac Aadan
Xafiiska warbaahinta
Mu,asasada Alminhaaj Puntland
(Nuurjaamac21@gmail.com)