SAHAY-QAADO Tix gabay ah Abwaan Ismaaciil Maxamed Cali
December 18, 2014 - Written by EditorAsc ilaahay swt waxa uu yidhi Naf kastaa waa tii geeri dhadhaminaysa nebiguna scw waxa uu yidhi (badiya is xasuusinta macaan dumiyaha) haddaba waxan rabaa inaan walaalaha la wadaago tix gabay ah oo aan u magac bixiyay SAHAY-QAADO gabayga magaca waxan uga soo dheegtay aayadda ilaahay inna yidhi SAHAY- QAATA SAHAY LAQAATANA WAXA UGU KHAYR BADAN ALLE KA CABSI haddaba, tixdu waxay ka hadlaysaa, ajasha, geerida, sakaraadka, su’aasha qabriga, iyo sida qof waliba camalkiisa uun ugu badbaadayo qofkii camalkiisu la hadhano cidi badbaadin mayso waxna u tari mayso sidaa awgeed tixdu waa is baraarujin iyo inaynu is xasuusino inaynu u diyaar garawno aakhiro iyo waxaynu ilaahay la hor tegi lahayn haddaba tixdu waxay tidhi
Su’aalii qabriga ruuxa ogi, seexan kari waaye adoonkii qalbigu saafiyaa, saamaxaad raba’esallallaahu nebigii wacnaa, sawrac muu ladinesuubanuhu waxyibuu ku yidhi, saafir ku ahawesijinbuu ka yeeshaa qofkii, saalixa ahaayesaahidbuu ahaadaa ninkii, saakiyee dhabiye
sahay qaado ruuxyohow aduun, saami noqon waaye
inkastuu saqaafoo nafluhu, socod ku taamaaba
inkastuu sareedada aduun, saaca ku jiraaba
inkastuu saxiyo caafimaad, kugu salaamaaba
inkastuu sacaadiyo ladnaan, sabo ku jiifaaba
inkastuu sabaan iyo dharaar, sado ku joogaaba
inkastuu nabaadiino sugan, samo ku gaadhaaba
naftuunbaa mar laga siibayaa, saacad ay noqone
wakhtigiisu ruuxuu sar go’ay, ruux ma saacido’e
ma sasabo qof geerida ninkay, ajashu saaqdaaye
sikin lama dib dhigo ruux hadii, uu sadkii go’a’e
seeftaa guddoontoo illayn , saayiraad ma lehe
sahay qaado ruuxyohow aduun, saami noqon waaye
marka ruuxda laga saarayuu, suuro midabkiisu
ehelkuna sulaaqmee dhamaan, murugo saamayso
suuradaa markii lagu tufiyo , saadka iyo nuunka
saxo iyo digtoor iyo markii, saalim laga quusto
ee saaqba saaq lagu rogiyo, siiqa iyo taaha
sakaraatul mawdkaa markaa, saani hawl gala’e
ruuxdaa markaa laga sidaa, laga sadqeeyaaye
samirbaa la qaataa halkaa, saabiroo dhaba’e
sahay qaado ruuxyohow aduun, saami noqon waaye
marka sulufta laga maydho ee , kafanta loo siibo
ee suudhka lagu giijiyiyo , marada suufkeeda
ayuunbaa xabaashii la sugay, iilka la simaaye
markaasaa salaadii halkaa , lagu salmeeyaaye
markaasaa la wada saamaxaa, uu sagootiyaye
isagoo sabooloon adduun, saanad uga qaadan
ayuunbaa la seexshaa luxdiga, saakinkii dhaba’e
sahay qaado ruuxyohow aduun, saami noqon waaye
saddexdii xaqiiqaa qabriga, lagu su’aalaaye
markaasuu adoonkii samaa, sax u jawaabaaye
markaasaa siraadkii jannada , lagu sakeeyaaye
markaasuu adoonkii sirraa, salal dayoobaaye
markaasaa saqara loo furaa, suluf cadaabeede
halkaasuu qiyaamaha sugaa, silica naareede
sahay qaado ruuxyohow aduun, saami noqon waaye
ismaaciil maxamed-cali
ismaaciil6666@hotmail.com
Lieksa finland