Mutamarkii Islaamiga Koonfur Afrika oo caawa si rasmi ah u bilaawday
December 24, 2014 - Written by EditorJohannesburg:-Waxaan dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Guateng iyo nawaaxigiisa ugu bishaaraynaynaa kuna wargelinaynaa in Mutamarkii Sannadlaha ahaa ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Johannesburg(Guateng) uu furmi doono Maalinta Arbacada, 24/12/2014, salaadda Maqrib ka dib.
Golaha dacwada ee Albayaan wuxuu dadaal dheeri ah u galay sidii kulankan diiniga ah u qabsoomi lahaa loogana miro dhalin lahaa. Wuxuu goluhu si qadarin & xushmad ku dheehan tahay uga codsanayaa bulshada qaybaheeda kala duwan inay isgaarsiiyaan,ka soo qaybgalaan,kana faa`iidaystaan fursaddan sannadlaha ah.
Culimada Sannadkan inagala qaybqaadanaysa kulankan Insha Allaah, waxaa ka mid ah:-
1. Sheekh Maxamuud Shibli (Kenya)
2. Sheekh Dr. Cali Maxamed Saalax (Norway)
3. Sheekh Dr.Maxamuud C/raxmaan Hoori (UK)
4. Sheekh Axmed Maxamuud (Axmed yare) (Somalia)
5. Sheekh Saciid Raage (Canada)
6. Sheekh Cabdullaahi Ibraahim (South Africa)
7. Sheekh Cabdinaasir Cusmaan (South Africa)
Waxaa dhamaan ku wargelinaynaa in dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dunada daafaheeda ay kala socon doonaa Radio Halgan.live halka dadweynaha ku dhaqan Puntland ay kala socon doonaa idaacadda Al-xikmaha hadii duruufaha farsamada ay saamaxaan insha Allaahu.
Nadwada ayaa waxaa ay bilaabanaysaa waqtiga Johannesburg 7:30 fiidnimo , Waqtiga Uk 17:30 halka Yurubta kale ay tahay 18:30 la socod wanaagsan
Haddii aad doonaysid in aad si toos ah ula socoto Mutamarka Islaamiga ah ee Koonfur Afrika waxaan kuu sahalnay in Mobilkaaga aad si sahlan ugu shuban kartid Google Play haddii uu yahay telfanka aad heysato nooca Android hadii aad heysato Apple waxaad ka soo gishataa App Store waxaadna ku qoreysaa (Radio Halgan Live) waa free wax lacag ah.
Radio Halgan Live waa Idaacad Islaami ah oo tabin doonta Insha Allaah Duruusta diiniga ah iyo Nadwooyinka Culumada Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida ka joogaan, Radio Halgan Live waxaa ay bahwadaag la tahay Radiyaasha Al-Xikma oo ka howlgala deegaanada Puntland iyo Radio Al-Nuur oo ka howlgala magaalada Muqdisho lagana dhageysto goballada Koonfureed.
Waxaa kale oo aad duruusta iyo towjiihaadka culumada aad si dhib yar aad uga dhageysan kartaa Radio TuneIn oo aad soo gishan karto telfankaaga gacanta.Radio TuneIn ka dib meesha ay ku taal Search ku qor Radio Halgan Live . Alle waxaan ka baryeynaa in acmaasheen uu ka dhigo mid kaligiisa khaalis u ah Aaaamiin.
Hoos ka Dhagayso si live ah Radio Halgan iyo Idaacadda Radio Al-xikma ee Garoowe
Halkan Ka Dhageyso Radio Halgan Live.
Jazaakumullaahu kheyran.
Xafiiska Dacwada
Albayaan(Guateng)