Bayaanka gunaanadka Nadwo cilmiyeedkii 7aad ee lagu qabtay Masjidka Al-Huda Garoowe.(Akhris+Cod)

December 19, 2014 - Written by Editor

1Garoowe:-Waxaa caawa lagu soo gabagabeeyey masjida Al-hudaa ee magaalada Garoowe Nadwo cilmi yeedkii 7aad oo diini ah sanad walba mar la qabto Nadwadaas oo socotay mudo dhan 5 cisho ah oo ay culimadu habeen walba ilaa labo muxaadaro ay ka jeedinayeen Masjika Al-hudaa oo ay ka socotay Nadwadu.

Nadwo cilmiyeedkaan diinigi ah ayaa waxaa bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gudaha Soomaaliya iyo dalka dibadiisaba ay kala socdeen Idaacadda Islaamiga ah ee Al-xikma iyo webka Halgan.net oo fududeeyey in nadwadu ay dhagaystaan Jaaliyaada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka dibadiisa.

Nadwo cilmi yeedkii 7aad ee ka socotay Masjidka Al-hudaa ayaa caawa la soo gabagabeeyey waxaan ay culimada ka soo saareen bayaanka hoos ku qoran:-

 Bayaanka gunaanadka kulan cilmiyeedkii 7aad ee magaalada Garoowe 1436H- bisha 12aad 2014
بسم الله الرّحمن الرّحيم Mahad oo dhan Ilaahay baa iska leh nabadgelyo iyo ammaanna, nabigeenii Muxammad ahaa, ehelkiisii, asxaabtiisii iyo intii wanaag ku raacda ilaa qiyaamaha dushooda ha ahaato. Intaa ka dib
Baaq guud

• Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan umadda Soomaaliyeed Alle ka cabsi iyo inay qabsadaan kuna dhaqmaan Kitaabka alle iyo sunnada Nabiga ( nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee).

• Waa in qof walbaa uu dhawraa wada jirka iyo midnimada ummadda, si loo soo celiyo karaamadii, sharftii, iyo qarannimadii dadka soomaaliyeed.

Siyaasiyiinta

• Waxaan ugu baaqaynaa siyaasiyiinta soomaaliyeed in ay Ilaahay ka cabsadaan, kana shaqeeyaan danaha dalka, dadka iyo diinta, kana fogaadaan waxyaabaha iska horkeeni kara dadkooda, lana yimaadaan maamul wanaag, hufnaan iyo han u qalma ummadda ay xilkooda hayaan.

• Waxaan ugu baaqaynaa dawladda Puntland inay si degdeg ah ku joojiso colaadda ka aloosan beelaha ku kala dhaqan meelo kamid ah gobollada Karkaar iyo Sool iyo in maamulku adeegsado hannaan walba oo banaan laguna joojinayo dagaaladaa, gacanna ku soo dhigaan cid walba oo qayb ka ah hurinta dagaalladaas si loo badbaadiyo, makasta, maatada iyo nugulka ku dhex baaba’aya.

Qoyska

• Waxaan qoysaska Soomaaliyeed ugu baaqeynaa inay ilaaliyaan jiritaanka usrada oo ah unugga uu ka unkamo mujtamacu, noloshoodana waafajiyaan habdhaqanka suubban ee shareecadu u jidaysay qoyska Muslimka ah.

• Waalidiintu waa inay fududeeyaan guurka, ubadkoodana u guuriyaan goor hore, si loo ilaaliyo dhawrsanaanta iyo akhlaaqda suubban ee Islaam nimada, taasoo kaabi karta hufnaanta mujtamaca, horumarka dalka iyo kororka taranka umadda.

Haweenka
• Haweenka Soomaaliyeed waxay leeyihiin mudnaan wayn, waxayna mujtamaceenna u yihiin lafdhabarta uusan la’aanteed taagnaan karin, sidaa darteed waxaan ugu baaqeynaa inay ka digtoonaadaan dabinnada shisheeye ee loogu bahallo galinayo diintooda iyo sooyaalkooda suubban, kuwaas oo aysan ka dhaxayn diin, dhaqan iyo dan midna iyo inaysan cadawgooda marti ugu noqon arrimaha ku saabsan diintooda iyo aakhiradooda.

• Culimadu waxay kula dardaarmayaan dumarka inay dhaqankooda waafaji yaan hab nololeedka shareecada Islaamku u dejisay sida xayahooda, xijaab kooda iyo is qurxintooda maadaama ay diintu koobtay danahooda adduun iyo badbaadadooda aakhiro.

Dhaqanka

• Waxaan ugu baaqaynaa in qabaa’ilka ku dagaallamaya degaanno ka mid ah gobolka karkaar iyo gobolka sool in ay joojiyaan dirirta, Allena ay uga baqaan dhiigga xurmada leh ee ay iska daadinayaan.
Waxaan ugu baaqaynaa dhaqanka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Puntland inay kaalintooda ka geystaan joojinta iyo xal u helida dagaalladaa iyo inay ku hagoogtaan dhiigga daadanaya iyo colaadda ka dhex oogan walaalahooda ay u yihiin hoggaanka.

Ganacsatada:

• Ganacsatadu waa in ay Ilaahay uga baqaan shaqadooda, ogaadaanna in ay u hayaan ummadda kaalin muhiim ah, kana fogaadaan wixii lid ku ah diinkooda iyo dadkoodaba sida, badeecadaha ganacsigoodu xaaraanta yahay sida cunnooyinka ama dawooyinka dhacay, dharka ku xun anshaxa, dawooyinka la isku cadeeyo iyo kuwa kasoo jeeda maaddooyinka asalkoodu xaaraamta yahay sida (Gelatin-ka oo u badan kan laga sameeyo doofaarka oo ku jira qayb kamid ah daawooyinka, cunnada iyo kareemyada la lagu subkado) iwm.

• Waxaan ugu baaqaynanaa maalka Ilaahay siiyey inay u adeegsadaan ganacsatadu islaaxinta dadka iyo inay ka fogaadaan u adeegsiga isku dirka iyo is dilka dadka walalaha dhexdooda.

Dhalinyarada

• Waxaan ugu baaqaynaa inay awoodda saaraan barashada diinkooda iyo culuumta anfaca u leh aduunyadooda, iskana ilaaliyaan tahriibta, iyo u bareeridda halligaadda naftooda iyo geerida xaqiiqiga ah.

• Inay ka fogaadaan ku dayashada dhaqamada shisheeye ee xunxun sida labiska kharriban, calaaqada aan sharciga ahayn, iyo mukhadaraadka.

• Waxaan ugu baaqaynaa dhallinyaradu inay ka fogaadaan ka mid noqoshada kooxaha ku howlan khalkhal galinta amniga sida Ciyaal-Faay-Cali-nimada iyo inay ogaadaan in falalka kooxahaasi uu yahay fasaadkii diinteennu xarrimtay.

Fatwooyin

Culimada nadwadu waxay fatwo kasoo saareen saddex mas’alo oo ay u arkeen in ay muhiim tahay in si gaar ah ummadda loogu bayaaniyo si looga digtoonaado, wax ka qabashadoodana la isu kaashado maamul iyo shacab labadaba si u dhiganta qof walba iyo karaankiisa.

Mas’alooyinka ay culimadu fatwoodeenna waa kuwan:

• In la aflagaaddeeyo ama lagu jeesjeeso Diinta, Allaah iyo Nabiga S.C.W. waa gaalnimo iyo diin ka bax (Murtadnimo) aan cudurdaar lahayn, qofkii la yimaadana uu isla markiiba ka baxayo diinta Islaamka. Sidaa darteed waxaa waajib ku ah maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada inay gaalnimada noocan ah ka hortagaan, ciddii ku dhacdana la mariyo ciqaabta ay mudan tahay. Qofka dambigaas ku dhaca wuxuu mutaysanayaa axkaam kala duwan sida Islaamnimadiisii oo burta, xaaskiisi oo ka furanta, ubad kiisii oo aan dhaxlayn iyo xigtanimadiisii muslimnimo oo uu waayayo, sidaa darteed waa in laga qaadaa wixii xil ah ee uu hayo ha ahaado mid dawladeed ama mid shacab, kadibna waa in xabsiga lagu hubsadaa, lana mariyo axkaamta ay u dajisay shareecada Islaamka.

• Shirkadaha Tiyaanis (Tiens) iyo DXN ee ku shaqeeya ganacsiga salka-ballaaran iyo sharikaadka kale ee lamidka ah ee waayahan ka hawlgalayay deegaannada Puntland iyo qeybo kamid ah gayiga Soomaaliyeed waa sharikaad ku shaqeeya nidaamka Ribawiga ah ee diinta Islaamku xaaraamtinimeysay iyadoo ganacsigeedu uu ku jiro Khiyaano, Jahaalo, Kado (Qarar) iyo xoolaha dadka oo lagu qaato si xeeladeysan xaqna aan ahayn, sidaa darteed ma bannaana in laga mid noqdo, loo adeego iyo in laga ganacsado toona waxaana waajib ah in hay’adaha ku shaqada leh ay ka qaadaan tallaabada ku habboon.

• Masaafada ama gabdhaha oo lala baxo marka la nikaaxsanayo iyadoo waalidkood lagala dhuumanayo waa xaaraam aanan sina ugu bannaanayn shareecada Islaamka, nikaaxa sidaa ku dhacana waa baadil aanan guntamayn, sidaa darteed waxaan ummadda Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah ugu naseexey neynaa inay ka waantoobaan arrintaa oo keenaysa fasaad aad u badan, ciddii guur doonaysana waa inay ka doontaan waalidka gabadha ama ciddii markaa booskooda taagan.

no images were found

Gunaanad
Culimadu waxay ummadda Soomaaliyeed Eebe uga baryayaan in uu u dambi dhaafo, dhibaatooyinka heystana ka dulqaado, waafajiyana kutoosnaanta diintooda, ilaalinta midnimadooda, xoojinta walaal nimadooda iyo isu kaashiga masaalixdooda adduun iyo tooda aakhiro.

Ilaahay baa mahad leh

Halkan ka Akhriso Bayankii ka soo baxay Nadwadii 7aad ee lagu soo gabagabeeyey Masjidka Al-Huda Garoowe Hoos ka dhageyso Bayaankii Nadwada

[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/1w0r8205m5/Bayaanka_Nadwada.mp3]

Culimada Bayaanka soo saaray:-

• Sh. C/Naasir X. Axmed X. Yuusuf

• Sh. Maxamuud X. Yuusuf Maxamed

• Sh. Xasan Maxamed Muuse (Bookh)

• Sh. Fu’aad Maxamuud X. Nuur

• Sh. Axmad C/Samad Cabdulle

• Sh. Xasan Maxamed Ibraahiim

• Sh. C/Qani Qorane Maxamed

• Sh. C/Rashiid Maxamed Ismaaciil

• Sh. C/Risaaq Mire Gaataa

• Sh. Mukhtaar Axmad Faarax

• Sh. Maxamed C/Laahi Cabdulle

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online