Garoonka Diyaaradaha Qardho oo si rasmi ah u bilaabay Duulimaayadii Diyaaradaha.[Masawiro]
December 27, 2014 - Written by EditorQardho:-Waxaa maanta si rasmi ah uga bilowday garoonka diyaarada ee magaalada Qardho xarunta gobolka Karkaar duulimaadyadii diyaaradaha ee dhawaan loo soo wareejiyay Magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar, waxaana saaka soo caga dhigtay Garoonka Magaalada Qardho laba diyaaradood oo ka soo kictamay wadanka Kenya .
Howlahan uu bilaabay garoonka diyaaradaha ayaa waxaa si weyn u soo dhoweeyay masuuliyiinta Gobolka, Masuuliyiinta degmada iyo dhamaan shacabka ku nool gobol Karkaar.
Gudoomiyaha gobolka Karkaar C.quraan Maxamed Aadan iyo duqa degmada Qardho Maxamed Siciid Ciise Hogaamo oo saxaafada kula hadlay gudaha Garoonka ayaa sheegay in duulimaadyada si toos ah
ay uga bilowdeen Garoonka Magaalada Qardho amaanka garoonkana aad loo adkeeyay, waxayna mahad celin ujeediyeen Dowlada Puntland iyo dhamaan shacabka ku nool gobolka Karkaar oo ka qayb qaatay howlaha iyo dayactirka garoonka.
Maareeyaha Garoonka Maxamed Xayir Siciid oo faahfaahin ka bixiyay nooc diyaaradaha ee maanta soo cagadhigtay garoonka qardho ayaa sheegay inay ahaayeen laba diyaaradood oo isku nooc ah ayna sideen Qaad dhawaan ay rajaynayaan inay soo degaan kuwa qaada Rikaabka.
no images were found
Maalmo ka hor ayey ahayd markii uu madaxweyne kuxigeen ka dowladda Puntland Eng. C/xakin c/llaahi Cumar Camay uu soo gaaray magaalada Qardho sheegayna in dhamaan duulimaadyadii Boosaso loo wareejiyay Qardho islamarkaana garoonka Qardho ay ka howlgali doonaan dhamaan Hay’addah khuseeya Howshaa.
Daauud Maxamed Xasan (Daauud Giirow)
Qardho-Puntland-Somalia