Madaxweyne Gaas oo daah furay Shirweynaha dib u eegista Qorshayaasha Hay’addaha PL 2014-2015.[Masawiro]

December 27, 2014 - Written by Editor

IMG_3923Garoowe:-Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 27-12-2014 si rasmi ah uga furmay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland shirweynaha dib u eegista Qorshayaasha Hay’addaha Dawladda Puntland 2014-2015 oo soconaya muddo labo maalin ah.

Shirkaan waxaa goob joog ahaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, dhammaan wasiirada iyo agaasimayaasha guud ee wasaaradaha Puntland iyo sidookale madaxda hay’addaha kale ee dawladda.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo furitaanki shirweynahaan khudbad dheer ka jeediyey ayaa sheegay in lagama maar maan ay tahay in shacabka Puntland maanta loo soo bandhigo waxa sanad kadib u qabsoomay xukuumada.

”Maanta waxaan joogna dhammaadka sanadka 2014, waxana waajib oo muhim ah inaanu isla xisaab tano dadkuna ay nala xisaabtamaan wixii aan balan qaadnayna aanu sheegno waxa ka qabsoomay, wixii aan ka qabsoomin iyo sababta ay u qabsoomi waayeen haday jiraan”Ayuu yiri Mmadaxweyne Gaas.

”Wax badan baa dadka Puntland u balan qaadnay horumar baan u balan qaadnay iyo sidoo kale wax qabad dhab ah oo kala duwan ayaanu u balan qaadnay mid caafimaad mid waxbarasho mid nabad gelyo sidookale waxaanu balan qaadnay inaanu la dagaalano burcad badeed, tahriib iyo xagjirnimo”Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

”Dadka waa in ay u cadahay dawladnimada, taas ayaana keenaysa korna u qaadaysa dawladnimadeena iyo ku qanacsanaanta dadka ee dawladooda waxaas oo dhan ayaanu balan qaadnay, maanta marka waxa nalaka rabaa si cad dadka Puntland in aanu ugu sheegno”Ayuu hadalka raaciyey Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa tilmaamay in horumar la taaban karo laga gaaray mudada sanadka ah islamarkaana uu rajaynayo in sanadka soo socda horumarka hada lagaaray mid ka wanaagsan la gaaro si shacabka Puntland kalsooni buuxda ugu qabaan dawladooda.

Mudadii uu socday Shirka ayaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Gaas waxa uu su’aalo weydiiyey Wasiirada soo bandhigay waxqabadkooda, waana markii ugu horaysay oo barnaamijkaani ka hirgalo Puntland iyadoona dadweynuhu si toos ah ugala socdeen qeybaha warbaahinta madaxa banaan iyo weliba Tvga Dawladda ee puntland TV.

no images were found

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.
Email : plpresidecymedia@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online