Ciidanka Somalilland oo saaka weeraray Magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn
January 15, 2012 - Written byBuuhoodle:-Ciidanka S/lland ayaa saaka waxaa ay weerar balaaran ku soo qaaday magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn halkaas oo uu dagaal ku dhexmaray dadka degaanka, dagaalka oo ahaa mid xooggan ayaa markii hore waxaa u suurta gashay ciidanka S/lland in ay la wareegaan gacan ku haynta Buuhoodle iyadoo markii danbe dagaal rogaal celin ah ay xoogagga SSC ee Buuhoolde ay dib ula wareegeen magaalada.
Khasaaraha dagaalka ka soo gaaray xoogagga Buuhoodle ayaa ah 5 qof oo dhimasho ah halka ilaa 17 qof oo kalena ay ku dhaawac meen ciidanka S/lland aya la aqoon khasaaraha ka soo gaaray dagaalka maadaama ay dhaawacoodii iyo ciidankii ka dhintay ay qaateen, dagaalka saaka ayaa ku soo beegmay ka dib markii shalay madaxweynaha S/lland uu ku goodiyey in uusan ka raali noqon doonin shirka ka socda magalada Taleex oo beesha degta Sool ,Sanaag iyo Cayn ay kaga dhawaaqeen in ay ku samaysana yaan maamula ka madax banaan S/lland iyo Puntlland.
Dagaalka saaka ayaa waxaa kale oo uu khasaro ka soo gaaray guryaha magaalada oo hubka la isku ridayey ay qaarkood ku habsadeen xaalada magaalada Buuhoolde iyo Gobolka Sool ayaa laga dareemayaaa kacsanaan waxaaan dhamaan xiran goobihii ganacsiga ee magaalada Buuhoodle iyadoo laga cabsi qabaa in uu dib u bilowdo dagaal fool xun oo dad badan oo rayid ah galaafta.
Dadweynaha ku noolaa magaalada Buuhoodle ayaa ka barakacay magaalada waxaan ay qaarkood u gudbeen dhinac Itoobiya, ciidanka S/lland ayaa weli ku sgna duleedka magaalada Buuhoodle halka xoogagga SSC ee la dagaalamayna ay ku sugan yihiin isla duleedka magaalada.
M_M_Deeq
Halgan.net