Banaanabax rabshado wata oo ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool
January 15, 2012 - Written byLaascaanood:-Waxaa saaka ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool banaanbax rab shado wata oo ay dhigayeen haween iyo dhalin yarada magaalada laascaaood ka dib markii ay maqleen dagaalka saaka ka dhacay degmada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn , banaanbax ayaa waxaa uu ahaa mid iskii isaga bilowday oo aan cid si gaar ah u abaabulin.
Ciidanka Booliska ee magaalada Laascaanood ayaa ka hortagay banaanbax waxaa ay rideen rasaas aad u fara badan oo markii danbe ay ku dhaawacmeen 2 qof oo mid haween tahay iyo wiil dhalinyaro ah oo markii danbe loo qaaday Isbitaalka magaalada laascaanood oo hadda lagu daweynayo.
Dadweynahaan ka careysan dagaalka saaka ay ciidanka S/lland ku soo qaadeen magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn ayaa waxaa ay dhagaxaan ku weerareen Xarumaha maamulka S/lland uu ku leeyahay magaalada. Ciidanka Booliska S/lland oo rasaas badan riday ayaa ku guulaystay in ay kala cayriyaan dadkii banaanbaxa dhigayey.
Dhinac kale magaalada Taleex ayaa waxaa gabi ahaan la joojiyey shirkii ka socday waxaan cuqaasha iyo Issimadu ay qaateen shir deg deg ah oo ay uga hadleen xaalada dagaal ee ka jirta magaalada Buuhoolde ee xarunta Gobolka Cayn waxaan ay eedeyn u soo jeediyeen madax weynaha Somalilland Axmed Maxamed Siilaanyo oo ay shegeen in uu masuul ka yahay dagaalka lagu soo qaaday Buuhoodle.
Wariye M_M_Deeq oo xiriiro kale duwan la sameeyey magaalad Taleex iyo laascaanood ayaa loo sheegay in markii dagaalku uu dhacay ay ciidamadii ku sugaan magaalada Taleex oo hub fara badan oo tikniko ah wata ay aadeen Buuhoodle, ciidamadaan ayaa ahaa kuwii ku suganaa markii hore Buuhoodle iyagoo u aaday magaalada Taleex in ay sugaan nabadgelyada.
M_M_Deeq
Halgan.net