Madaxweynaha DFS Oo Lakulmay Dhigiisa dalka Talyaaniga(Masawiro)

September 4, 2015 - Written by Editor

unnamed1Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Talyaaniga Sergio Mattarella, ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta madaxtooyada dalka Talyaaniga ee magaalada Rome.

Madaxweynaha ayaa dhiggiisa Talyaaniga uga waramey xaaladda dalka Soomaaliya iyo horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga, siyaasadda, dib u soo kabashada dhaqaalaha, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo fidinta adeegyada bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mahadceliyey taageerada Talyaaniga ee dib u dhiska Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in iyadoo laga duulayo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal loo baahan yahay in Soomaaliya maalgashi lagu sameeyo.

‘’Waxaan Mudane Madaxweyne kaa codsaneynaa inaad ku dhiirigeliso dowladdaada iyo shirkadaha ganacsiga Talyaaniga inay maalgashadaan Soomaaliya, si looga faa’iideysto kheyraadka aan leenahay. Soomaaliya waxay leedahay kheyraad u saamaxaya inay noqoto horseedka dhaqaalaha Afrika, waxaana ku dhiirigelinayaa Talyaaniga inay ka faa’iideystaan fursaddaasi oo ay ka mid noqdaan waddamada ugu horeeya ee maalgashanaya dalkeena’’.

Madaxweynaha Talyaaniga Sergio Mattarella ayaa u sheegay Madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa in Talyaaniga uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, isla mar ahaantaana uu soo dhoweynayo codsiga Soomaaliya ee dhinacyada maalgashiga , iskaashiga dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo amniga.

Waxaa uu Mr Mattarella ku bogaadiyey Madaxweynaha Soomaaliya dadaalka uu ku bixinayo sugidda amniga, siyaasadda, fidinta adeegyada iyo arrimaha bulshada, kuwaas oo uu sheegay inay sii adkeynayaan barnaamijyada lagu xaqiijinayo dib u soo kabashada Soomaaliya, dowladda Talyaanigana ay taageero buuxda la garab taagan tahay.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale ka hadley arrinta muhaajiriinta ku soo qulqulaya Yurub, gaar ahaan Talyaaniga, kuwaas oo qaarkood ay yihiin muwaadiniin u dhashey Soomaaliya.

no images were found

Madaxweynaha Talyaaniga Mr Mattarella ayaa soo dhoweeyay fikir uu soo jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya oo ahaa in dhalinyarada Soomaalida ee u soo tahriibtey Talyaaniga, isla markaana ku guuldareystey in rasmi ahaan loo qaabilo, la siiyo tababaro mihnadeed, dalkana dib loogu soo celiyo si xirfadaha ay barteen ay ugu adeegsadaan dib u dhiska Soomaaliya.

Kulankaasi waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan labada dal, waxaana uu ku dhammaadey jawi is afgarad leh.

-DHAMMAAD-

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online