Xafladda Qalinjabinta dufcadddii 7aad ee Machadka Al-Furqaan laascaanood (Masawiro)
September 5, 2015 - Written by Editorxaflad si weyn loosoo agaasimay ayaa maalinimadii axadda ka dhacday machadka alfurqan lascanod taas oo ay ku qalan jabinayeen dufcaddii 7aad ee ka baxda machadkaasi sanad dugsiyeedka 2014-2015 .
xafladda ayaa waxaa kasoo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulashada,maamulka iyo macalimiinta machadka,midowga ardayda ka baxday machadka, culimada gobolka,iyo waliba maamulka jaamacadda Nugaal ,waxana ugu horeyn halkaasi ka hadlay maamule ku-xigeenka machadka alfurqaan sh.bashiir ibraahim sugulle isagoona sheegay ujeedada loosoo qabanqaabiyey xafladdan qiimaha badan taas oo ah mid lagu dhiirri gelinayo ardaydii mudada saddexda sano ah soo watay aqoontooda isla markaana lagu boorinayo inay siiwataan waxbarashadooda.
waxa iyana halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah ardaydii ka baxday machadka dufcadan iyagoona ay ka muuqanayso dareen farxadeed,mahad balaadhanna usoo jeediyeen maamulka iyo macalimiinta machadka. ayna sheegeen inay inbadan suugayeen maalintan,aqoontoodana sii wadan doonaan.
dr axmed jaamac ismaaciil mire oo ah hormuudka kulliyadda shareecada iyo daraasaadka islaamka ee jaamacadda NU ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin ardaydan baratay culuumta shareecada iyo carabiyada,ka jaamacad iyo kuliyad ahaanna ay soo dhawaynayaan una diyaariyeen manhajka jaamacadda madiina oo dhamaystiran iyo waliba diploma sare oo fiqhi ah,qaar kalena ay soo wadaan.
no images were found
mushrifka guud ee machadka alfurqan lascanod sh.c/naasir x.axmed yuusuf oo isna xafladda ka hadlay ayaa ugu hambalyeeyey maamulka machadka iyo ardaydaba munaasabadani,isagoona ku booriyay inay faafiyaan ujeedadii machadka loo aasaasay oo ahayd faafinta diinta islaamka iyo cilmiga.
ugu dambayna ardaydani oo ka koobnaa 167 arday ahna 83 wiil iyo 84 hablood ayaa waxa la gudoonsiiyay shahaadooyinkoodii ay mutaysteen.
Ahmad Said
Xafiiska Maamulka Machadka Al-Furqan lascanod