Khudbadii Jimce ee Sh Dr.Bashiir Axmed Salaad ka jeediyey Masjida Ibnu Cutheymiin ee Leicester.[Dhagayso]
September 5, 2015 - Written by EditorLeicester:-Waxaa idiin soo gudbinaynaa khudbadii Jimce ee uu Sh. Dr Bashiir Axmed Salaad oo ah Gudoomiyaha Culimada dalka Soomaaliyeed uu ka jeediyey Masjidka Ibnu Cutheymiin ee magaalada Leicester. Sheekh Dr.Bashiir Axmed Salaad ayaa waxaa uu khudbadiisa uga hadlay Fiqiga loo baahan yahay Waqtiga ay jiraan Fidnooyinka si qofku uu ugu badbaado Fidnooyinkaas isagoo Sh Dr.Bashiir Axmed Salaad uu xusay in loo baahan yahay in la dugsado cilmiga iyo culimada waaweyn ee cilmiga diinta baaca dheer u leh.
Sh.Dr.Bashiir Axmed Salaad ayaa xusay in qofka cilmiga leh uu ka badbaadi karo fidnooyinka kana badbaadin karo Ehelkiisa, Sh Dr.Bashiir axmed Salaad ayaa xusay in aduunka uu yahay Fidno la iskuna imtixaanayo loona baahan yahay in laga diktoonaado.
Sheekh Dr.Bashiir Axmed Salaad ayaa waxaa uu tusaalooyin badan ka bixiyey Fiqiga Fidnooyinka iyo in aduunka oo dhan uu yahay mid imtixaan ah oo xitaa Anbiyadii lagu dhibay sidaas oo kalena dadka diinta xanbaarsan loo dhibi doono loona baahan yahay in ay sabraan.
Hoos ka Dhagayso khudbadii Jimce ee Sh Dr.Bashiir Axmed Salaad ka jeediyey Masjida Ibnu Cutheymiin
[audio: https://halgan.net/Mp3/Voice%2002.mp3]Masjid Ibnu Cutheymiin
Leicester, Uk