Xaflad qalin Jabin ah oo loo qabtay Arday ka qalin Jebisay Jaamacadda Bariga Africa ee Galdogob.[Masawiro]

September 10, 2015 - Written by Editor

BeautyPlus_20150905192056_orgGaldogob:-Munaasabad balaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ka dhacday Masjid ka imaamu Shaafici ee magaalada Galdogob. Munaasabadan ayaa ahayd mid Jaamacadda Bariga Africa faraca Galdogob ku sagoon tinayeen ku dhawaad 31 arday oo dhamaystay kulliyadda Shareecada iyo daraasaad ka Islaamiga ah.

Xafladdan qalin jabinta ah ardaydii loo qabtay ayaa ahayd dafcadii ugu horaysay oo Bachelor Degree ah oo ka qalin jabisa dagmada Galdogob iyo Jaamacadda Bariga Africa faraca Galdogob. Xafladan waxaa ka soo qayb galay maamul ka dagmada, maamul ka guug ee Jaamacadda Bariga Africa, culumaa’udiin, Issimada, cuqaasha, waxgaradka, ururada haweenka,qurbo jogta,waalidiin iyo dhamaan bulshada qaybaheeda kala duwan.

Waxaana ugu horaynti madashaasi ka hadashay Prof.Muuse Maxamud Takar oo ah gudoomiyaha Jaamacadda Barica Africa faraca Galdogob,ugu horayn waxa uu mahadceliyey dhammaan ka soo qayb galayaasha xafladda wax uuna ku dheeraatay ahmiyada ay lee dahay munaasabadani,waxa kale uu hambalyo u diray ardaydii u soo dhabar adaygtay mudadii afrata sano ahayd ee wax soo baranaysay.

Sidoo kale waxaa isna munaasabadda ka hadlay gudoomiyaha guud ee Jaamacad bariga Africa, waxa uuna madasha ka sheegay Galdogob inay tahay hoyiga aqoonta, ardayda wax ku baratana ay yihiin ardayda kaalimaha sare ka gala jaamacadaha caalam ka.

Waxaa asna dhankiisa ka hadlay xafladda gudoomiyaha guud ee Board ka Jaamacadda EAU waxaa uu daahfuray barnaamij dhaqaale loogu aruurinayey jaamacadda Bariga Africa faraca Galdogob.

Ugu danbaynti waxaa soo gunaanaday xafladan qiimaha badnayd Gudoomiyaha dagmada Galdogob Xassan Faarax Maxamed (Ayaxle)  oo ku booriyey ardayda magaalada  inay ka faaidaystaan fursadan waxaad  nasiib u yeelateen  waxbarashadii ilaa heer jaamacadeed inaad ka heshaan  deegaankiina, halka waayadii hore waxbarashada loo  aadi jiray meelo ka durugsan deegaan kiina ayuu yidhi Xasan Xarax Maxamed (Ayaxle).

Sidoo kale gudoomiyuhu waxa uu baaq u diray Jaaliyadda dibadda ee deegaan ka waxa uuna ugu baaqay inay Jaamacadda hormarinteeda iyo sidii dhismo ay leedahay u heli lahay ay uga qayb qaataan.

no images were found

Nuur Jaamac Aadan
Garoowe,Halgan.net

 

 

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online