Madaxweynaha DFS oo gaaray goor dhow gaaray degmada Afgooye
September 10, 2015 - Written by EditorAfgooye:-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow gaaray degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaana ujeedada socdaalka Madaxweynaha DFS lagu sheegay in uu kormeerayo xaalada amiga iyo horymarka Degmada Afgooye .
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu ku tagay Degmada Afgooye Diyaarada kuwa qumaatiga u kacay waxaana uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Waxgaradka odayaasha dhaqanka iyo saraakiisha ciidanka DFS.
Ammaanka degmada Afgooye ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo Masuuliin nka tirsan DFS iyo ciidamada gaarka ee madaxtooyada ay uga sii horeeyeen Madaxweynaha degmada Afgooye.
Socdaalka Madaxweynaha DFS ee Degmada Afgooye ayaa waxaa ku weheliya Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.
A/Cawale
Halgan.net