Maxamuud Sayid Aadan iyo Maxamed Aw Libaax oo gaaray magaalada Kismaayo (Daawo)
September 10, 2015 - Written by EditorKismaayo:-Waxaa saaka gaaray magaalada Kismaayo ee xaunta Gobalka J/Hoose Maxamuud Sayid Aadan iyo Maxamed Aw Libaax oo ah siyaasiyiin ka soo jeeda gobalka Gedo oo si weyn uga soo horjeeday Maamulka J/land oo uu madaxa u yahay Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe).
Wafdiga siyaasiyiinta ee ka yimid gobalka Gedo ayaa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka Diyaaradaha ee Kismaayo Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubaland Gen Fartaag iyo Macalin Maxamed oo ah Wasiirka hore ee arrimaha bulshada ee Maamulka J/land.
Wafiga gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay kulamo la qaadan doonaa Madaxweynaha J/land Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe waxaana ay ka wada hadli doonaan arimaha J/land .
Maxamuud Sayid Aadan oo la hadlay warbaahinta markii uu soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu sheegay in ay Kismaayo u yimaadeen in ay garan istaagaan Maamulka J/land wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay taageersan yihiin Maamulka gobalka Gedo ay u soo magacaabay Madaxweyne Axmed Madoobe.
Hoos ka Daawo Maxamuud Sayid Aadan oo la hadlay warbaahinta markii uu gaaray magaalada Kismaayo
Cabdi Yare
Kismaayo
Jubbalandmedia