Baarlamaanka Maamulka Jubaland oo lagu darayo 10 xubnood (Daawo)
September 10, 2015 - Written by EditorKismaayo:-Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa goor dhow waxaa uu shirjaraa,id ku qabtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose waxaana uu ku dhawaaqay in toban xubnood oo dheeraad ah lagu soo dari doono Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland.
Xildhibaanada Dowlada Jubbaland, ayaa waxaa ay noqon doonaan 87 xubnood hadii lagu daro 10 xubnood ee cusub kuwaas oo la siin doono beelo cabasho ka muujiyey qaabka loo xulay xildhibaanada baarlamaanka Jubaland. Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in ay wadatshi ay la yeesheen waxgaradka Jubaland ,DFS iyo Beesha Caalamka ay go,aansadeen in 10 xubnood lagu kordhiyo baarlamaanka J/land si loo xaliyo cabashooyinka qaar ka mid ah beelaha dega gobalada Jubooyinka.
no images were found
Hoos ka Akhriso warsaxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada Jubaland
Cabdi Yare
Kismaayo