Shirweynihii Saddexaad ee DFS iyo Maamulada Oo ka socda Kismaayo
September 13, 2015 - Written by EditorKismaayo :-Waxaa ka socda magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose shir albaabada u xiran yihiin kaas oo u dhexeeya Madaxda Federaalka, Madaxda Maamul Goboleedyada iyo beesha caalamka.
Shirweynaha saddexaad ee wadatashiga dowladda federalka ah ee Soomaaliya iyo maamulada ee ka socda maanta magaalada Kismaayo ayaa ah wajigii 3aaad iyada oo wajigii kowaad iyo labaad wuxuu ka dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe.
Shirka ka socda kismaayo ayaa waxaa looga hadlayaa hiigsiga 2016 waxaana goobjoog ka ah Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud Ra’isalwasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, Madaxweynaha Puntland Cabdi weli Gaas, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Guuleed, Madaxweynaha Koonfur galbeed Shariif Xasan, Ergayga Qaramada Midoobey Nicklos Key, Wasiirka arimaha dibada Ethiopia iyo madax kale oo ka socota beesha caalamka
Saxaafada ayaa weli banaanka ka joogta shirka waxaana la wada dhowrayaa wax ka soo baxa shirka wadatashiga wajigiisa 3aad oo ka socda magaalada Kismaayo.
Cabdi Yare
Kismaayo