Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Raiisul wasaare Sharmaarke oo ku dhawaaqay Shirweyne looga hadlayo aayaha siyaasadda Soomaaliya
September 13, 2015 - Written by EditorKismaayo:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 13-9-2015 magaalada kismaayo kaga qayb galay quraac sharafeed ah oo uu Madax wey naha Jubba-Land Axmed Maxamed Islaan u sameeyey Madaxdii kala soo qayb gashay munaasibadiisii caleemo saarka.
Munaasibadda ayaa ahayd mahadcelin uu madaxweynaha Jubba-land uga mahad celinayo Madaxdii sida meeqaamka saraysa ugalasoo qayb galay xafladdiisii caleema saarka madaxtinimada Jubba-land ee afarta sanno ee soo socota.
Intaasi kadib Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Dr.Cumar Cabdirashiid Sharma’arke ayaa kulan ay ku yeesheen aqalka madaxtooyada Jubb-Land waxay ku go’aamiyeen in 20ka bishan September la qabto shir weyne looga tashanayo aayaha siyaasadda Soomaaliya iyo hannaanka doorashada dalka ee 2016.
Waxyaabaha diiradda lagu saaridoono shirkan lagu dhawaaqay waxaa kamid noqon doona arrimaha Dhammaystirka nidaam ka federaalka ah ee dalka, qaabka ay noqon doonto doorshada dalka ka dhici doonta sannadda 2016 iyo Arrimo kale oo la xidhiidha aayaha siyaasadeed ee dalka.
–DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.