Banaanbax rabshado wata oo ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool
January 21, 2012 - Written byLaascaanood:-Waxaa saaka ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Soool banaanbax rabshado wata oo ay ka dhasheen dhimasho 3 qof oo rayid ah iyo 4 qof oo dhaawac ah ka dib markii ay iska horyimaadeen dadweyne dhigay banaanbax ay ku taageerayeen shirkii dhawaan ka dhacay magaalada Taleex laguna dhiusay maamulka Gobolleedka Kaatumo State Of Somalia.
Dadweynaha banaanbax dhigayey ayaa waxaa ay weerareen xarumaha dowllada S/lland ee ku yaala Laascanood waxaan ay ku dhawaaqateen hadalo lid ku ah maamulka S/lland ,Ciidanka Booliska ee magaalada Laasxcaanood ayaa rasaas fara badan ooda uga qaaday dadkii dhigayey banaanbax oo u badnaa dumar iyo dhalinyaro.
Dadkii ku dhaawacmay banaanbax ayaa waxaa la soo gaarsiiyey Isbitaalka weyn ee magaalada Laascaanood waxaana dhaawacooda la tacaalaya Takhaatiirta ku sugan Isbitaalka Laascaanood, magaalada Laascaanood ayaa ilaa iyo intii magaalada Taleex looga dhawaaqay maamul Gobolleedka Kaatumo State Of Somaliya waxaa ka dhacay banaanbaxyo rabshado wata oo dhexmaray dadweynaha ku nool Laascaanood iyo ciidanka Booliska ee magaalada.
Wixii war oo ka soo kordha banaanbax ka dhacay magaalada Laascaanood dib ayan idinkaga soo gudbin doonaa
M_M_Deeq
Halgan.net