Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay oo Qarax lagu weeraray
September 21, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Wararka ka imaanaya magaalada Muqisho ayaa sheegaya in qarax lagu weeraray gaari uu la socday wakiilka QM ee Soomaaliya Nicholas Kay xili qorshuhu ahaa in shir jaraa’id ay si wada jir ah u qabtaan madaxdii ka qayb gashay shirka wada tashiga ee Muqdisho. wararka soo baxaya ayaa sheegay in labo qof oo Soomaali ah ay dhinteen dhowr kalena ay dhaawacmeen , Qaraxa ayaa waxaa uu ka dhacay caawa albaabka dambe ee madaxtooyada Soomaaliya ee dhinaca SYL.
Qarax aad u xoogganaa ayaa waxaa uu dhacay xilli xarunta Madaxtooyadda ay ka soo qul qulayeen Wariyayaal iyo wafuuddii shirka ka qeyb gashay.
Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco Halgan.net
A/cawaale
Halgan.net